Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare oo furtay Tababar lagu hormarinayo Waxbarashada reer miyiga.

12/March/ 2018- waxaa saaka hoolka shirarka ee hotel hodon Fishka ka dhacay shirka wadatashiga barnaamijka horumarinta Waxbarashada reer miyiga   oo ay  kasoo qaybgaleen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Waxbarshada iyo Tacliinta sare iyo Agaasimaha ee Waaxda Waxbarashada  Dadban ee Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinata sare dhamaan Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobolada iyo Degmooyinka iyo Hay’adda UNICEF.

Hadaba Tababarkan ayaa waxaa Moepuntland.com  uga warbixiyay madaxa Education Management Information System (EMIS)  ee Xafiiska Wasaaradda Waxbarashada  Mudane Mudane Jaamac Bulshaale   isagoo sheegay in tababarkan ay ka soo qaybgaleen dhamaan Gudoomiyaasha Waxbarashada iyo degmooyinka  oo islmarkaana , iyada oo ay casharada bixinayeen khabiiro u xeel dheer oo ka tirsan xafiiska  Qorashaynta Waxbarshada iyo Waaxada Waxbarashada Dadban.

 

Waxa kalo kahadalay Tababarka siciid oo ka tirasan Hay’adda Unicef  oo intaa kudaray inay bulshadu helaan Waxbarsho Tayeysan  xaaladaha Waxbarashada reer miyigana lala socdo ,sidoo kale waxa u siciid UNICEF  sheegay in qorshahan ay isticmalaan bulshada,dowlada iyo haayadahaba, kulana dardaarmay ka qayb galayasha inay si fiican uga faa idaystaan tababarka ilaaliyaan wakhtiga cashirka, Waxbarashada reer migana meel fiican marayso.

Waxaa kalo ka hadlay Tabarbarkan inta bari uu soconayo Agaasimaha Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Malyuun Xuseen Jaamac oo barnamijkan Waxbarshada reer miya xafiiskeda laga maamulo. Iyadoo u mahad celisay hay’adaha kala shaqeyaa Waxbarshada Reer guuraaga sida Hay’addda Unicef, NRC, iyo Save the Children. Agaasime Malyuun xuseen Jaamac ayaa aad u aamaantay sida gudoomiyaasha waxbarshada iyo degmooyinka iyo kormeerayaasha Waxbarshada dadban sidii ay ku ajiibeen codsigii ka soo qaybgalka Barnamijkan hormarinta waxbarashada reer miyiga sidii ay uga wada shaqyn lahayeen ahmiyada uu leeyahay waxbarshada reer miyiga.

 

Shirkaas oo uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxabarashada  iyo Tacliinta sare Maxamed Cali faarax (Farmaryeeri) ayuu si qoto-dheer uga warbixiyay dhibaatooyinkii ba’naa ee dhanka Waxbarashada reer miyiga ee deegaanka fog fog sidiii loo gaarsiin laha waxbarashada  oo horay uga jiray isagoo sheegay in kadib markii salka loo dhigay Waxbarshada   ugu danbayn hormar fiican laga gaaray  sidii wax looga qaban lahaa horumarinta baahida aas-aasiga ah ee bulshada. Taasina ay keentay in la aas-aaso barnamijyo iyo siyaasadaha Waxbarashada  ee deegaanka Reer miyiga  oo nooc kasta oo qalab iyo shaqaale ahba loo dhamaystiray iyadoo Wasaaradda Waxbarashada kuguulaysatay waxqabadyo aan lasoo koobi karin.

Hoos ka Daawo Sawiradda.

IMG_4390 - Copy IMG_4391 - Copy IMG_4392 IMG_4396 IMG_4400 - Copy IMG_4440 IMG_4440 IMG_4439 IMG_4431 IMG_4428 IMG_4427 IMG_4391

IMG_4443 IMG_4385 IMG_4387 IMG_4388 IMG_4390 IMG_4391 IMG_4392 IMG_4396 IMG_4397 IMG_4427 IMG_4428 IMG_4431 IMG_4439 IMG_4440

 

 

By: Deeq Hurevov.
Madaxa isku-xirka WW&TS

 

 

 

Scroll to Top