Wasaarada Waxbrashada Oo Soo Bandhigtay Sharci Cusub Oo Lagu Hagayo Waxbarashada Puntland

Dood cilmiyeed ay soo agaasintay wasaarada waxbarashada dawalda Puntland ayaa manta lagu qabtay xarunta wasaarada waxbrashada kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay kudhawaad 40 qof oo dhamaantood ahaa dad khubura ha oo aad ugu dhuun daloola arimaha waxbarashada.

Kulankan ayaa waxa uu  ku saabsana soo bandhiigid xeer loo sameeyay waxbrashada Puntland oo lagu magaacabo  (Education Act) barnaamijkaan ayaa waxaa soo diyaarshay lataliyaha wasaarada dhanka siyaasada iyo qorshaynta Ali Mo`alin Hassan isagoo kaashanaya khubura kali oo iyagana ku xeel dheer Arimaha sharciyada iyo qaanuunka.

Furitaankii barnaamijkaan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka waxbarashada Mudna Juxa oo isna dhankiisa  ka hadlay mihiimada uu leeyahay Kulankan  iyo in laga faa`idaysto barnaamijkan oo ah mid na anfaci doona mustaqbalka dhaw iyo mid ka fogba waxa uuna amaan balaaran usoo jeediyay xubnaha hawshan kasoo shaqeeyay waqti badana u huray iyo dadaal dheeraada waxa uuna kazoo qaybgalayaasha usoo jeediyay  hawshaan inay iyaguna ay gacan weyn ka gaystaan waxii tala ah oo ay hayaan inay kusoo biiriyaan ayuu wasiirka ku booriyay khubaradii kasoo qaybgashay barnaamijkan

Gabgabadii kulankaan ayaa waxaa kasoo qaybgalayashii isla gorfeen barnaamijka ayagaa soo jeediyay qodoba mihiima oo  mudan in lagu daro iyo qodobo iyana laga saarayo gabi ahaanba meesha waa markii ugu horaysay oo barnaamij noocaana laga sameeyo Putland waxaa iyana sidoo kale dhawaan barnaamijkaan la horgayn doonaa Golaha barlamaanka Puntland si ay u`ansixiyaan dabeedna loo dhaqan gasho.

Ali Mo`alin Hassan Lataliyaha Dhanka Siyaasada iyo Qorshaynta Wasaarada Waxbarashada

Prof Hayd Oo Ka Qab Qadanaya Barnaamijka

 

 

 

Amaal Abdullahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

Scroll to Top