Wasaarada Waxbarashadda dowladda Puntand oo soo saartay xeerkii tacliinta sare ee Puntland.

26/April/2016- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa markii ugu horeysay sameysay xeer lagu maamulidoona jtaaamacaddaha kuyaala Puntland, si loo ilaaliyo tayada tacliinta sare ee Puntland.

Xeerarkaa ayaa sidoo kale waxaa kamid ah in la sameeyay guddiga tacliinta sare ee Puntland, guddigaas oo ka kooban wasaaradda waxbarashada iyo wakiilo ka socda jaamacaddaha kuyaala Puntland.

Shir labo maalin socday oo xeerkaan lagusoo bandhigayay lagana aragti dhiibanayay ayaa lagu qabtay magaalada Garowe, iyadoo lagu casuumay wakiilo ka socday jaamacaddaha si ay aragtidooda ugu darsadaan islamarkaana uu xeerku unoqdo xeer soo saaristiisa laga wada qeyb qaatay.

Cabdiraxmaan Sheikhdoon oo ku hadlayay magaca jaamacaddaha ayaa cadeeyay inay ku faraxsan yihiin soosaarista xeerkaan, isagoo sheegay inay aaminsan yihiin inuu noqondoono xeer  hagaya waxbarashada sare tayadeeda iyo nidaamkeeda islamarkaana wuxuu sheegay inay xeerkaan jaamacadduhu ka doodeen ayna meel mariyeen.

“Runtii waxaan qabaa barnamijkani inuu wax weyn ka qabandoono cabashooyinka ka jira jaamacaddaha, wuxuu xakamayndoonaa inay cid walba jaamacad iska furankarto, wuxuu awood wasaaradda usiinayaa inay xiri karto jaamacaddii aan uqalmin  dadkeeda.” Ayuu yiri Sheikhdoon oo ah maamulada kuliyada macalimiinta ee GTEC.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay xeerkaan inuu si dhow uga hadlayo cida sameysan karta jaamacad, sharuudaha jaamacaddaha lagu furan karo,  cida ogaalankarta in jaamacad la furo iyo cida xaqa uleh inay jaamacad xiri karto, wuxuuna intaas ku daray xeerkaan inuu soo afjaridoona dhibaatada ka taagan tacliinta sare ee Puntland ama cida ku fakaraysa inay dalka keento tacliin aan u qalmin heerka loo baahan yahay.

Wasiiir ku xigeenka waxbarashada ayaa sheegay xeerkaan in dhawaan la horgeyndoono gollaha xukuumada iyo gollaha barlamaanka si loo ansixiyo, wuxuuna sheegay marka la meel mariyo in si degdeg ah loo dhaqan gelindono.

Waa markii ugu horeysay oo ay wasaaradda waxbarashadu sameyso sharci lagu maamulidoono tacliinta sare ee Puntland, waxaana barnaamijkaan maalgelisay hay’adda caalamiga ah ee Care international.

IMG_0318

 

 

Scroll to Top