Wasaarada waxbarashada Puntland oo wada Barnaamijyo lagu dar dar gelinayo waxbarashada

Barnaamijkan oo ay fulintiisa iska kaashanayaan Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Hay’adaha  dhinaca waxbarashada kala shaqeeya ayaa ah mid looga gol leeyahay sidii gebi ahaanba Puntland looga cirib tiri lahaa dadka aan qoraaka iyo akhriska aqoon.

Waxaana kulankii ay shalay Wasaarada waxbarashadu qabatay ka soo qayab galay Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose , wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland , Gudoomiyah Guddiga arimaha bulshda ee Baarlamaanka Puntland , iyo madax kasocata Hay’addah dhinaca waxa barshda dowlada ka saacida iyo Marti sharaf kale oo badan.

Agaasiamha Guud ee wasaarada waxbarashada Puntland C/qaadir Yuusuf Nuux oo ugu horeyntii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradu ay dadaal badan ku bixisay sidii ay waxbarshada kor ugu qaadi lahayd islamarkaana ay talaabooyin badan oo wax ku ool ah qaaday .

C/qaadir yuusuf Nuux ayaa intaa raaciyey in ay muhiim tahay in Barnaamijkani uu yahay mid loogu tala galay in cid kastaa ay wax barato si loo helo dad badan oo aqoon yahano ah loona yareeyo tirada dadka aan qoraalka iyo akhriskaba aqoon.

Wasiirka ariimaha Gudaha C/laahi Jaamac Ilkajiir  oo isana goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay cusumooda loo fidiyey ee ah in uu kulankan kasoo qayb galo maadaama uu yahay Barnaamij bulshada loogu wacyi gelinayo sidii ay goobaha waxbarashada ugu dareeri lahaayeen arintaas oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid dalka iyo dadkaba ay ddan weyni ugu jirto.

Madax badan oo ka socota Hay’adaha Dhinaca waxbarashada  kala shaqeeya Wasaarada ayaa iyana goobtaas ka hadalay waxayna ku dhamaantood si qoto dheer uga hadleen sida ay Wasaarada u garab taaganyihiin taageeradana ay uga siiyaan dar dar gelinta iyo tayeynta Barnaamijyada barista iyo waxbarashada Puntland.

Wasiir ku xigeenka Wasaarda waxbarashada oo kulankaas soo xiray ayaa isna dhankiisa sheegay in wasaarda oo gacan ka helaysa Hay’addah Caalmiga ah ay ka fureyso dhamaan Magaalooyinka waaweyn , Tuulooyinka fog fog , iyo dhulka Miyiga ah Iskuulo iyo goobo waxbarasho oo caam ah si dhamaan bulshadu ay ololahaas waxbarasho uga qayb qaataan.

Wasiir ku xigenka ayaa ugu danbayntii xusay in wasaardu ay goobaha miyiga ah Iskuulo si lacag la’aan ah wax looga baranayo ka furtay si cid kasata oo ku jirta da’ kasta oo gobahaas ku sugan loogu fududeeyo in ay si sahlan wax ku bartaan Jahligana loo cirib tiro.

Si kastaba aha ahaatee kulankaas oo kusoo gaba gaboobey jewi farxadi ay ku dheehan tahay ayaa waxaa gaba gabadii heeso qiimaha waxbarashu ay leedahay ka turjumaya ka qaaaday kooxda faniinta xidigaha Puntland.

 

 

 

Amaal Abdulahi

Minisrty Of Education Puntland

Media Unit

 

Scroll to Top