Wasaarada Waxbarashada puntland oo soo bandhigtay 30 gabdhood oo loo helay deeq waxbarasho jaamacadeed.

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa manta soo bandhigay arday gabdho ah oo loo helay deeq waxbarasho Jaamacadeed.

Ardaydan oo tiro ahaan gaarsiisan 30 arday gabdho ah ayaa waxaa kharashaadka deeqdan waxbarasho ugu yaboohay hay’ada QM u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

Gabdhahan oo ka mid ah ardayda dhamaysatay Dugsiyada sare ee puntland islamarkaana aan iska bixin Karin kharashaadka waxbarashada ee jaamacadaha ayaa waxaa soo xulay wasaarada Waxbarashada ee puntland waxay ka kala socdaan dhamaan gobollada kala duwan ee Puntland ay ka kooban tahay.

Dadaalka deeqdan waxbarashada lagu helay waxaa qayb weyn ka qaadatay waaxda Horumarinta Waxbarashada gabdhaha ee Wasaarada Waxbarashada Puntland oo codsiyo farabadan u dirtay hay’ada UNDP iyo hay’adaha kale ee arrimaha horumarta iyo waxbarashada qaabilsan.

Deeqdani waxay fursad u siinaysaa 30-kan gabdhood in ay mudo afar sano ah si lacag la’aan ah wax uga bartaan jaamacadaha wadanka gudihiisa, waxayna hay’adu arrintan ay ku macnaysay mid ay uga qayb  qaadanayso dadaalada lagu kobcinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Puntland.

Munaasabad balaaran oo manta lagu qabtay xarunta wasaarada waxbarashada puntland ee magaalada Garowe laguna soo bandhigayay ardaydan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada iyo Horumarinta haweenka ee Puntland, saraakiil ka socotay hay’adda UNDP, guddiga soo xulay ardaydan iyo qaar ka mid ah ardayda fursadan loo qorsheeyay in ay ka faa’idaystaan waxaana goobtan laga akhriyay macagyada 30-ka arday ee deeqdan ku guulaysatay.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo munaasabadan ka hadlay ayaa ugu baaqay ardayda deeqdan heshay in ay ka faa’idaystaan fursan qaaliga ah ee ay heleen, wuxuuna tilmaamay in arrintani ay tahay guul u soo hoyatay gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Puntland kuwaas oo u baahan fursado waxbarasho si ay mar walba uga faa’idaystaan bulshadana ugu faa’ideeyaan.

Wasiirku wuxuu gabdhaha ku dhiirigaliyay in ay dadaal muujiyaan kaalin muuqatana ay bulshada ka noqdaan iyagoo dhinaca kalana ka faa’idaysanaya fursadaha wax ku oolka ah ee loo samaynayo.

Sahro Axmed Kooshin oo ah madexa waaxda horumarinta Waxbarashada gabdhaha ee wasaarada ayaa aad u faahfaahisay magacyada sodonkan gabdhood iyo gobollada ay ka soo kala xuleen, waxayna ugu baaqday dhinacyada ku hawlan waxbarashada gabdhaha in ay sidan oo kale uga qayb qaataan kobcinta waxbarashada gabdha aan iska bixin Karin kharashaadka waxbarashada. 

Sahro Axmed waxay liiska ardaydan u akhrisay sidan:-

Gobolka Bari waxa deeqdan waxbarasho ka helay

  1. Xaawo Cumar Siciid
  2. Faadumo Cali Xasan
  3. Ruqiyo Siciid Shire
  4. Xamdi Cabdi Maxamed
  5. Khadiijo Axmed jaamac

Gobolka Sool waxaa deeqdan waxbasho ka helay

  1. Caasho Cabdullaahi jaamac
  2. Najax yaasiin Cabdi
  3. Safiyo Maxamed faarax
  4. Aafiyo Cabdullaahi maxamuud

Gobolka Nugaal waxaa deeqdan waxbasho ka helay

  1. Tamiimo Cabdi Cilmi
  2. Nasro Xasan Nuur
  3. Xamdi Cabdi jaamac
  4. Xaawo Cabdisalaam jaamac

Gobolka Sanaag waxaa deeqdan waxbasho ka helay

  1. Caasho Cabdiraxmaan Muuse
  2. Roodo jibriil Cali
  3. Deeqo Maxamed Nuur
  4. Barwaaqo Maxamed Cabdi

Gobolka Cayn waxaa deeqdan waxbasho ka helay

  1. Aasiyo Axmed Faarax
  2. Milgo Saalax
  3. Nadra Caydiid
  4. Samsam Maxamuud Macalin

Gobolka Mudug waxaa deeqdan waxbasho ka helay

  1. Xaawo Cali Bullaale
  2. Sacdiyo Maxamed Cabdi
  3. Faadumo Cabdirisaaq faarax
  4. Caasho Cabdirisaaq Axmed

Gobolka Karkaar waxaa deeqdan waxbasho ka helay

  1. Suleekho Axmed Cabdulle
  2. Xamdi Siciid Ciise
  3. Xaliimo yaasiin Geelle
  4. Iimaan cabdi aadan Siciid
  5. Ayaan Maxamed Siciid

 

Waxaa iyaguna kulankan ka hadlay Masuuliyiintii ka socotay hay’adda UNDP, Wasaarada Horumarinta haweenka ee Puntland, xubno kaloo ka socday Wasaarada Waxbarashada iyo masuuliyiin kale waxayna dhamaantood aad uga hadleen muhiimada ay waxbarashada gabdhuhu leeyihiin iyo in mar walba loo baahan yahay in laga wada qayb qaato la iskana kaashado horumarintooda maadaama ay yihiin kaalin mug leh oo bulshada ka mid ah.

 



Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top