Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Shaacisay dhismaha inkabadan 30 dugsi oo laga higalinayo dhamaan gobollada Puntland.

Wasaarada Waxbarshada Puntland oo kaashanaysa hay,adaha caalamiga ah ee ay bahwadaagta yihiin wasaaradda ayaa iska kaashanaya sidii deegaanadda puntland looga hirgalin lahaa dhismaha Xarumo waxbarasho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada puntland Maxamed C/wahaab ayaa ka warbixiyey qorshahaan,waxaana uu xusay in ay doonayan fulinta dhismayaal iskuulaad laga dhisayo meelo ka mid ah deegaanadda puntland kuwasoo ay tiradoodu dhantahay 33 dugsi.

Agaasimuhu waxaa uu sheegay in arintaani timi ka gadaal markii wasaaradu samaysay xog ururin lagu sameyey puntland waxbarashadeeda Gobol min Degmo tasoo lagu ogaaday in ay aad u yaryihiin tirade dhalinyarada ee u xaadirta goobaha tacliinta,waxaana uu yiri isagoo arintaa ka hadlaya “ Xogta waxaa lagu ogaaday baahida waxbarashada inta ay le,egtahay arintaan dadaal ayaa loo galay ,dhamaan 8 gobol ee puntland waxaa laga hirgalinayaa dhismaha 33 dugsi waxbarasho kuwasoo qaarkood ay dayactir kaliya yihiin halka kuwo kalana la dhisayo” Agaasimaha guud ee waxbarashada.

Agaasimaha Waxbarashada puntland waxaa ugu danbayntii sheegay in ay dugsiyadan u xulanayaan meelaha ku haboon ee sida aadka ah loogaga baahanyahay in laga hirgaliyo Xarumo waxbarasho.

 

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia

 

 

Scroll to Top