Wasaarada Waxbarashada Puntland Oo Ka Qaybgashay Shir Ka Dhacay Dalka Natherland Oo Looga Hadlayay Waxbarashada Soomalia

Amsterdam:-Shirkan waxaa soo qabanqaabiyay ururka Hirda Netherlands iyo UPEACE, waxana ka soo qaybgalay NGOs Netherlands iyo shaqsiyaad ka socday xaga dawlada Netherlands, waxaana laga hadlay dhibaatooyinka iyo horumarka ka jira Waxbarashada Somaaliya.

Waxaa kamid ahayd kasoo qaybgalayaashii shirkaas Lataliyaha Wasaarada Waxbarashada Puntland Murwo, Sahro Axmed Koshin, waxa ayna ka hadashay wax-qabadkii Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo in ay ka badalantahay qaybaha kale ee Soomaaliya oo Wasaaradoodu o ay gaadhay horumar lataaban-karo dhinac kasta, waxayna tustay kasoo qayb-galayaashii cadaymo, sawiiro iyo muuqaalo vidio ah, oo xaqiijinaya harumarka ay gaartay Waxbarashada Puntland.

Qaybata Gender Unit ayay aad uga hadashay iyo waxqabadkooda sanadkaan, waxaay kaloo soo ban-digtay websiteka cusub ee Wasaaradda iyo Social Mediayada sidaa LinkedIn, Facebook iyo Twitter oo aay Wasaradda uu isticmaasho Puntland Education Fund, waxaana ay ku tilmaantay horumarkaa in ay uu sabab yahay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax (Juxa) oo ku hagay Wasaarada dariiqa horumarka ama wadada saxa ah ee horay loogu socon-karo.

Waxaa kaloo sabab u noqday horumarka Wasaarada Lataliyayaasha Aqoonyahanada ah ee dhinac kasta ka dhisaya Wasaarada  ayagoo dib uga soo noqday wadamadii ay horay u hayaameen, una soo noqday in ay dadkooda iyo dalkoodaba cawiyaan oo ay aqoontooda galiyaan Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Lataliyaha Wassaaradda Waxbarashada Puntland Sahro Axmed Kooshin oo iminka dalka dibadiisa safar-shaqo ugu maqan ayaa waxay ka mid tahay aqoonyahanada tirada-yar ee dalka dibadiisa ku koray waxna ku bartay kuwaas oo dib dalkooda hooyo ugu soo laabtay si ay uga qayb-qaataan horumarka, waxayna Sahro xidig muuqata oo horuamr ballaaran samaysay ka tahay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top