Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ka hadashay Heerka Waxbarasho ee Puntland iyo qorshayaasha sanadkan Cusub.

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa ka hadashay Heerka Waxbarasho ee deegaanada Puntland iyo qorshayaasha sanadkan Cusub.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed C/wahaab  oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in Wasaaradu ay dadaalo badan ku bixisay sanadkii dhamaaday tayaynta iyo horumarinta Waxbarashada Puntland, hadana Waxbarashadu ay marayso heer aad u sareeya.

Agaasimuhu wuxuu tilmaamay in deegaanada Puntland ay ka dhisan yihiin dugsiyo hoose, dhexe iyo sare oo faraban islamarkaana ay wax ka dhigtaan in kabadan 111 kun oo arday ah kuwaas oo 30% ay dumar yihiin iyo 590 Macalimiin ah oo dugsiyada Hoose dhexe ee Puntland wax ka dhiga.

Agaasimuhu wuxuu tilmaamay in Tayada iyo horumarka Waxbarasho ee puntland ay kobcaysay sanadihii la soo dhaafay islamarkaana sadexdii sano ee la soo dhaafay ay Wasaaradu dhistay 439 Fasa oo ay ku jiraan 53 Fasal oo sanadkan ay dhiseen iyagoo kaashanaya hya’adaha Caalamiga ah.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed C/wahaab wuxuu carabaabay in sanadkan ay jiraan qorshayaal farabadan o ay Wasaaradu ku horumarinaysoWaxbarashada Puntland tan gabdhuhu haba ugu horaysee, wuxuuna sheegay in ay rajaynayaan in waxbarashada deegaaada Puntland ay meel fiican ka gaadho tayada iyo horumarka laga rajaynayo.

Scroll to Top