Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Eedayn Ujeedisay Wasaarada Waxbarashada Dowlada federalka iyo safiirka Somaliya u fadhiya Sudan

Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada Puntland Cabdiraxman Diiriye Carab oo maanta saxaafada la hadlay ayaa shaaca ka qaadey in deeqaha Waxbarasho ee Ardeyda Soomaaliyeed loogu deeqo aan si cadaalad ah loo qaybin, Wasiirku xigeenka oo iminka ah kusimaha Wasiirka Waxbarashada wuxuu sheegey iney jiraan shaqsiyaad si gaara u musuqmaasuqa deeqa Waxbarasho.

Wasiir ku Xigeenku wuxu sheegey in  Wasiirkii waxbarashada ee xukuumada wakhtigeedu dhamaadey Dr.Axmed Caydiid , Agaasinka guud ee Wasaarada waxbarashada DF Muuse Faarax Xayd iyo Safiirka Sudan u fadhiya Somalia Danjire Maxamed Cabdulaahi Ugaas ay si cad u musuqmaasuqaan deeqaha waxbarashada ee Dowlada Sudan ku deeqdo.

Ugu danbeyntii wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Cabdiraxman Diiriye wuxu ugu baaqey Dowladda Sudan in tixgeliso qaabka waaqiciga ah ee hadda Somalia ka jira oo saddex aag ah (Puntland ,Somaliland ,South Centeral),islamarkaasina ay dhexdhexaad ka noqoto.

Dhinaca kale warar rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Dowlada Puntland ay dacwad noocaan ah u gudbin doonto Beesha caalamka, iyo waliba cadeymo rasmi ah oo laga hayo safirka Soomaaliya u fadhiya Sudan sida qaldan ee loo musuqmaasuqo deeqaha waxbarasho ee Dowlada Sudan ugu deeqdo Soomaaliya.

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top