Wasaarada Waxbarashada Puntland Ayaa Maanta Sagootisay 60 Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Wadanka Ethiopia.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Wasaarada Waxbarashada Puntland ee magaalada Garowe ayaa maanta lagu soo sagootiyay 60-kan arday ee deeqo waxbarasho ka heshay Jaamacadaha Wadanka Ethiopia.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo ka mid ahaa Masuuliyiintii xafladan ka hadashay ayaa sheegay in deeqdani waxbarasho ee ay Puntland ka heshay Wadanka Ethiopia ay ka faa’idaysanayaan 60 arday oo 40 ka mid ah ay jaamacadaha Federaalka ee Ethiopia wax ka baran doonaan.

Wasiirku wuxuu xusay in 40-kan arday mid mid iyo labo labo wax uga baran doonaan 12 jaamacadood oo ka mid ah kuwa Federaalka Ethiopia islamarkaana 29 ka mid ah ardaydan ay baran doonaan daraasaadka  science-ka 11-ka kalana ay Arts-ka baran doonaan.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa wuxuu kaloo sheegay in 20-ka kale ee ardaydan ay wax ka baran doonaan Jaamacadaha Jigjiga ee dawlada deegaanka soomaalida islamarkana deedani ay ahayd mid si gaar ah Puntland ay uga heshay dawlada deegaanka Soomaalida islamarkaana ardaydani ay baran doonaan Kulayadaha Caafimaadka iyo kuwa la midka ah.

Cabdullaahi Axmed Jaamac oo ah wasiirka arimaha gudaha Puntland ayaa oo goobtii xafladda ka hadley ardeyda kula dar daarmay in ay howshan si wannaagsan uga faa’ideystaan.

Mid ka mid ah waalidiinta dhashay ardeyda heshay deeqdan waxbarasho ayaa uga mahad celisay dowlada Itoobiya deeqdan ardeydana ugu baaqday markii ay soo dhameystaan waxbarashadooda in dalku ay dib ugu soo laabtaan.

Safiirka Qunsuliyadda Itoobiya ay ku leedahay Garowe ayaa dhankiisa sheegay in dowlada Itoobiya oo saxiib dhow la tahay Puntland iyo Somaliaya marna ma hakin doono deeqaha waxbarasho ee ay helaan ardeyda ugu derajada sareeysa Puntland.

Hase ahaatee arintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dhawaan safaarada Soomaaliya ee dalka Suudaan gebi ahaanba is hor istaaag ku sameysay ilaa 50 ardery oo deeqo waxbarasho ka hellay dalkaasi Suudaan ka dib markii ay diiday shaahada wasaarada waxbarashada ee Puntland.

Sanadkii hore ayay ahayd markii dawlada Puntland ay sidan oo kale arday ugu dirtay 16- jaamacadood oo ka mid ah jaamacadaha federaalka Ethiopia, waxayna arrintani timid kadib markii uu si wanaagsan u hagaagay xiriirka Ethiopia iyo Puntland.

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top