Wasaarada waxbarashada oo wada wacyigalin kor loogu qaadayo dhaqanka iyo afka soomaaliga

Wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland ayaa maanta barnaamij kor loogu qaadayo lagu dar dargalinayo dhaqanka iyo soo noolaynta afka hooyo ka bilowday magaalada Garoowe.
Barnaamijkaani lagu dar dargalinayo dhaqanka iyo suugaanta afka soomaaliga ayaa maanta si toos ah waxaa looga bilaabay Dugsiga sare ee Ganbool Garoowe,waxaana howshaasi gacanta haya Wasaarada waxbarashada oo kaashanaysa hay`ada PDRC.

 


Dhinaca kale Wasiir  Juxa ayaa Ardayda waxbarashada ku jirta ugu baaqay inay kor u qaataan afka soomaaliya iyo barashada dhaqanka suubaan ee soomaali ay lee dahay,wuxuna intaasi ku daray barashada dhaqanka iyo suugaanta inay qayb ka tahay horumarka dal kasta

 

Wasiirka Waxbarashada Abdi Faarax Siciid (Juxa)

Wasiirka waxbarashada Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo saxaafada kulla hadlayay Dugsiga sare ee Ganbool  ayaa sheegay ujeedada ay barnaamijkaani u bilaabeen inuu yahay sidii ardayda waxbarata loogu dhiiri galin lahaa barashada iyo dib usoo noolaynta dhaqanka,hadiha iyo afka soomaaliya oo lagu tirsho inuu yahay mid aad u sareeya.

Howsha baaxada leh ee dib loogu soo noolayn nayo dhaqanka iyo suugaanta soomaalida ayaa waxaa wasaarada waxbarashada ka saacidaya Hay’adaha PDRC iyo NDI, oo dhabarka u dhigtay sidii mar qura loo helli lahaa afkii soomaaliya oo kobcaya.

Xukumada Puntland ayaa shaaca ka qaatay soo noolaynta dhaqanka iyo suugaanta soomaaliya inay geed gaaban iyo mid dheerba ay u fuulayaan ,waxaana sanadkii lasoo dhaafay xus loo qabtay maalinta suugaanta hal  ku dhig looga dhigay soo noolaynta dhaqanka iyo suugaanta .

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top