WASAARADA WAXBARASHADA OO QABATY AQOON IS WAYDARSI KU SAABSAN KOBCINTA WAXBARSHADA DHALAANKA YAR YAR.

Wasaarada waxbarashada puntland waxay qabatay aqoon is waydaarsi so socanaya mudo labo maalmood ah oo ku saabsan barbarinta dhaalanka yaryar iyo kobcinta aqoonta(EARLY CHILDHOOD IN EDUCATION) ECDE)  aqoon is awydarsigaa ayaa waxaa daahfuray agaasimaha guud ee wasaarada waxabarashadda puntalnd. XAAJI MAXAMED CABDIWAHAB.

Agaasimahu waxa uu sheegay in uu barnamijkaan yahay mid ku cusub waxbarashada puntland  wakhtigan la joogana aan wali ka hergalin puntalnd, balse waxa uu sheegay in loo bahanyahay.

Agaasimuhu waxa uu kale in uu sheegay in aan barnamijkaan lagu dabakhin barashada quraanka kariimka ah iyo taariikhda uu leeyahay,  waxa kale uu sheegay in barashada quraanka uu yahay mid dhaqaalo yar waalidiintana  marka loo bar bardhigo barnamijkaan cusub ECDE.

Aqoon iswaydarsigaan ayaa waxa uu kadhacay hoolka shirark ee wasaarada waxbarashada waxa ka soo qaybgalay khuburo ka socata wasaaradaha puntalnd sida wasaarada cadaalada iyo diinta, wasaarda qoyska iyo arimaha bulshadda, wasaarada cafimaadka. kuliyadaha tababarka macalimninta ee gorowe,

Sidoo kale waxa ka soo qaybagalay hay’adaha calamiga ah sida UNICEF, SAVE THE CHILDREN ,GRT iyo kuwa kale.

Mudaddii uu socaday aqoon is waydarsigaan waxa lagu lafo guray sidii barnamijkaan looga hirgalin laha puntland iydoo la eegayo faa’iidoyinka iyo caqbadaha ka hor imaan kara.

DAAWO SAWIRADII SHIRKAA LOOGA HADLAY.

DEEQ HUREVOV HEAD OF MEDIA

MINISRTY OF EDUCATION PUNTLAND- SOOMALIA.

 

 

Scroll to Top