Wasaarada Waxbarashada Oo Qabatay Kulan Looga Hadlayo Siyaasada Waxbarashada Puntland (Puntland Education Policy )

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa Kulan ballaaran waxay ku qabtay Hoteel New Rays kaas oo looga hadlay Siyaasada Waxbarasho ee Puntland (Puntland Education Policy), waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaasha Waxbarashada gobolada, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Kormeerayaasha Wasaaradda, Kormeerayaasha gobolada iyo Waalidinta Iskuulaadka, waxayna ka kala yimaadeen gobolada Sool, Cayn Nugaal iyo Mudug.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane, Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa waxa uu ujeedada kulankan ku sheegay in la doonayo in ka soo qaybgalayaashu ka tala bixiyaan Qorshaha Waxbarasho ee 5-ta sano ee soo socota, si uu noqdo qorshahaasi mid hirgala oo dadka lagala tashaday ka soo ka qaybgalayaashu u arkaan mid iyaka ka timid.

Agaasimahu, wuxuu sheegay in la doonayo in hay’adaha Waxbarashada ka shaqeeya in loo tilmaamo baahiyaha Waxbarasho islamarkaasna ay iyaku kala hormarsadaan baahidooda oo Wasaaraddu mar kasta ay kala horumariso sida ay ahmiyad u kala leeyihiin, mana dhici doonto ayuu yiri in hay’aduhu iyako ay hogaamin ka noqdaan wax ka qabadka baahiyaha Waxbarasho ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa doonaysa in Waxbarashada Puntland ay noqoto mid aad u tayaysan oo ay ka faa’iidaystaan Ardayda oo ah Mustaqbalka Ummadda Puntland.

Todobaadkan gudihiisa ayaa Wasaaraddu isla Hoteelkan New Rays ku qabatay kulan looga hadlay sidii Manhaj midaysan loogu samayn lahaa Waxbarashada dadban (Non Formal Education) ee Puntland, kaas oo loo arkay mid muhiimad gaar ah leh.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top