Wasaarada Waxbarashada Oo Maanta Ku Dhawaaqday Najiitada Rasmiga Ee Imtixaanadii Fasalada 8 Aad

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanada fasalada 8-aad ee deegaanada Puntland ,waxayna masuuuliyiinta wasaaradu soo bandhigeen guud ahaan ardaydii u fadhiisatay imtixaanaaadka natiijadooda iyo kuwa ugu sareeyay. Kulankan lagu soo bandhigayey natiijada ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta wasaarada waxbrashda iyo guddiga imtixaanaadka u qaabilsan. Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo ku dhawaaqay natiijada fasalada 8-aad ee iskuulaadka Puntland ayaa sheegey in sanadkan guud ahaan u fariisteen imtixaanka ardeyda gaareysa 5kun oo ka baaseen 4215 ardey halka 698 buundooyinkuu u saamixi waayen baasitaanka oo ku dhaceen. Agaasimaha ayaa waalidiinta ka codsadey inay ku dhiirigeliyaan caruurtooda waxbarashada islamarkaasina ka ilaaliyaan fasalada la bootiyo oo garaadkiisa saamayn ku yeelan doonta sida uu sheegeyna waxbrashadu waa salaam hadba maalin mid laga talaabsanayo. Wasaarada waxbarshada Puntland ayuu ugu soo danbeysiiyey hadalkiisa iney wado tayaynta waxbarashada ,iyadoona gacanta lagu hayo siyaasadi waxbarshada lagu hagi lahaa oo hawsheedu gabagabo mareyso laguna dhawaaqi doono todobaadyada soo socda. Docda kale kuxigeenka xafiiska imtixaanaadka Puntland Faadumo Siciid Nuur ayaa iyana ka sheekeysey hawsha laga soo marey sixitada imtixaanka ,waxana ay raacisey hadalkeeda Faadumo in dadaal dheeraad ah geliyeen sidii cadaalad iyo sinaan loogu saxo imtixaanka ardeydu badi ku guuleysteen u gudbida dugsiga sare. Ardeyda kale ee aan ka gudbin imtixaanka ayay ku boorisey inay si niyad sami leh ugu soo laabtaan iskuuladoodi si ay uga guul gaaraan hadafkoodi waxbrasho,sidoo kale waxay sheegtey in sanadkan kaalmaha sare saddex gabdhood ay galeen ayna tahay wax lagu faxo laguna dhiirigeliyo gabdhahaasi.

Halka ka daalaco Warbixinta iyo Natiijoyinka Imtixaanka oo dhameystiran

Halka ka daalaco Maadooyinka sida ay Ardeydu ugu kala wanaagsan yihiin

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia

 

Scroll to Top