Wasaarada Waxbarashada Oo Ku Dhawaaqday Najiitadii Imtixaanka Dugsiyada Sare

Munaasibad ballaaran oo ay madaxda wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland ku shaacinayaan natiinadii kasoo baxday imtixaanaadka Dugsiyadda sar sare ee Puntland ayaa maanta lagu qabtay holka shirarka wasaarada waxbarashada.
Waxaana kullankaasi lagu soo bandhigayo natiijada imtixaankii la saxay kasoo qayb gallay  Gollayaasha dowlada sida Gollaha wasiirada ,xubno ka socda baarlamaanka ,saraakiisha gacanta ku hayay sixitaanka imtixaanka ,madaxda wasaarada waxbarashada,gudoonka waxbarashada Gobalada Puntland iyo Masuuliyiin kale.
image jpg 1600-56image jpg 1600-57image jpg 1600-58

Boliwgii kulankaani waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Puntland Cabdiraxmaan Diiriye Carab,wuxuna sheegay isku imaatinkaani maanta ka jira xarunta wasaarada uu salka ku hayo sidii loosoo bandhigi lahaa qaabkii ay u dhacday natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland,isagoona si aad ah u amaanay nidaamkii iyo howl karnimadii loo maray sidii dalka gudihisa loogu sixi lahaa imtixaanka dugsiyada sare.
Madaxa Imtixaanaadka wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland Mudane Axmad Saahid oo kulankaani khudbad dheer kana hadlaysa marxaladii ay kala kulmaan sixitaanka imtixaanka iyo kala saraysiinta darajooyinkii ay mutaysteen ardayda kasoo jeediyay ayaa sheegay ugu danbayntii inay ku guulaysteen sixitaankiisa iyo soo gudbintiisa.

Wuxuna Axmad Saahid ku dheeraaday Muhiimada ay waxbarashadda u lee dahay umadda iyo koncinta garaadkood,wuxuna sidoo kale amaanay madaxda wasaarada waxbarashada iyo waalidintbada sida ay ugu heelan yihiin waxbarashada.
Inta ay socotay munaasibada waxaa khudbado kala duwan kasoo jeediyay wasiiro lagu caasimay ,waxayna dhamaantood sheegeen waxbarashada Puntland inay horumartay balse loo baahan yahay in laga wada qayb qaato sidii waxbarashada loo gaarsiin lahaa Miyiga iyo goobaha ay joogaan dadka reer guuraaga ahi.
Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland Maxamad Cabdiwahaab oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay marxalado kala duwan iyo samir badan ka dib inay ku guulaysteen sidii Puntland gudaheeda loogu sixi lahaa imtixaanaadka iskuulada,iyadoona sixitaanka mitixaanaadkaasi ay gacanta ku hayaan 80-qof oo ku xeel dheer sixitaanka iyo lasocodkoda,waxaana si gaar ah gacanta ugu hayay 8-sargaal oo indho dheer u lahaa howshaasi baaxada leh.

Mudane Maxamad Cabdiwahaab ayaa dhinaca kale khudbadiisa ku daray howlaha kala duwan oo ay wasaarada waxbarashada ka gaartay dhanka waxbarshada sida midaynta manhajka waxbarshada shanta sano ee soo socota,u guur galida waxbarashada dadban iyo arimo kale,wuxuna si toos ah uga dhawaaqay natiijada imtixaanka.

image jpg 1600-59image jpg 1600-60

Kaalinta kowaad imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland waxaa gallay  Axmad C/salaan Jaamac oo dhigta dugsiga sare ee Ganbool,waxaana kaalinta labaad gashay oo xitaa kaalinta kowaad dhanka dumarka u gashay Muno Maxamad Muuse.
31 dugsi ayaa ka qaybgalay imtixaanaadkii ay sanadkaan wasaaradu ay qaaday, waxaa kaalinta koowaad galay iskuulka Cumar Samatar oo ku yaala magaalada Gaalkayo oo darajada “A” helay 69 arday,iskuulka Gambool oo Garoowe ah ayaa kaalinta labaad galay waxuuna helay 45 “A” ah , halka Boosaaso Secondary oo saddex ku jira uu ka helay 18 A ah.

image jpg 1600-63image jpg 1600-61
Waxaana guud ahaanba imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2011 ilaa 2012-ka u fariistay 1626-arday,waxayna qayb ka tahay dadaalka iyo horumarka  laga gaaray waxbarashada Puntland

Ugu danbayntii Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland ayaa Gudoonka waxbarashada Gobalada Puntland gudoon siiyay imtixaanaadka dugsiyada sare ee Puntland,halkaasoo dadkii kasoo qayb gallay ay dhamaanba u riyaaqeen qaabkii loosoo bandhigay imtixaanka.

 

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top