Wasaarada Waxbarashada Oo Hirgalisay Manhaj Midaysan Oo Ay Yelanayso Waxbarashada Dadban

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mudane, Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa Puntlandpost uga warbixiyay Manhaj ay u samaynayaan Waxbarashada dadban ee Puntland (Non Formal Education), isaga oo sheegay in ay leedahay ahmiyad gaar ah oo ay dad badan oo reer Puntland ah ka faa’iidayn karaan haddii loo sameeyo Manhaj midaysan.

Agaasimaha Guud ee W.Waxbarashada “9 Manhaj baa la sameeyay oo waxbarashada dadban ah hal Manhaj oo midaysan ayaan samaynaynaa”

“9 Manhaj ayaa loo sameeyay Waxbarashada dad badan kuwaas oo ah dhammaantood ah kuwo isku dhexyaacsan oo wax faa’iido ah lahayn, hay’ad kastaaba Manhaj u gaar ah ayay samaysay, taasna waxay keentay in ay meesha ka maqnaanto lahaanshihii (ownership)”.

01-02-12, waxaan halkan (Xarunta Wasaaradda) kullan ballaaran ugu qabanay dhammaan hay’adaha Waxbarashada naga kaalmeeya waxaan u sheegnay in aan doonayno in aan hal Manhaj oo midaysan u samayno Waxbarashada dadban ee Puntland (Non Formal Education), waxaan dhawaan shaqaalaysiinaynaa Guddi Khubaro ah oo soo diyaarsha Manhajka, kuwaaso oo dhinacyo badan ka eega oo soo diyaarsha (Frame Work) ayuu yiri.

Agaasimahu, wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay aad u tayaysiiyaan Waxbarashada, oo hay’adaha samafalka ee taakuleeya Waxbarashada ay si hufnaan ah iyo aqoon ku dheehan tahay ula xisaabtamaan, ayna kulan kasta oo hay’aduhu leeyihiin oo Waxbarashada ku saabsan ay Wasaaraddu hogaamin doonto, si ay u timaado xisaabtan dhab ah.

Faa’iido-xumida Manaajijta badan ee la sameeyay.

Manaahijta badan ee loo sameeyay Waxbarashada dadban ayuu sheegay in ay yihiin kuwo aan faai’iido lahayn, maadaama ay hay’ado ajnabi ah sameeyeen dhaqaale badana lagu baxshay, waxa uu sheegay in ay yihiin kuwo tayadoodu hoosayso, islamarkaasna aysan ahayn kuwo buslhada baahidooda iyo hormarkooda Waxbarasho looga baaraan dagin.

Faa’iidada hal Manhaj.

Maxamed Cabdiwahaab, waxa uu sheegay Manhajka ay doonayaan in ay sameeyaan uu nqoon doono mid tayo leh, La kantaroolayo, dadkuna ay u arkayaan Manhaj ay leeyihiin (ownership).

Dadka faa’iidaysanaya Waxbarasahda dadban.

Sida uu sheegay ayaa Agaasimuhu, waxaa ka faa’iidaysan doona Manhajkan, dadka da’doodu waynatay, dadka dhexda kaga jiray Waxbarashada markii ay burburtay Dawladii dhexe ee dalka ee aan fursad kale helin, dadka reer guuraaga ah iyo kuwa tuulooyinka ku nool, dhamaan dadkana waxaa lagu qiyaasaa 60% in ay ka yihiin dadka reer Puntland.

Mr. Maxamed Cabdiwahaab, waxa uu sheegay in Puntland ay ka diiwayn gashan yihiin 251 Iskuul oo ah kuwa Waxbarashada dadban, kuwaas oo haddii loo sameeyo hal Manhaj wax ka badali kara heerka Waxbarasho ee Puntland.

Kadib Waxbarashada dadban Ardayda xagee ku biirayaan.

Sida uu sheegay Agaasimahu, dadka ka faa’iidaysan doona Manhajkan cusub waxaa u furan sadex arimood oo kala ah in ay ku biiraan Dugsiga sare, in ay ganacsi bilaabaan iyo in ay farsamada bartaan.

Sikastaba, sida ay qorshaysatay Wasaaradda Waxbarashada Manhajkan waxaa la hirgalin doonaan baramaha sanadkan 2012, si uu sanad-dugsiyeedka cusub uu ula jaanqaado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mudane, Maxamed Cabdiwahaab waxa uu sheegay in Manhajnka cusub lagu dari doono oo laga baran doono arimo badan oo bulshada muhiimad u leh oo ay ka mid yihiin.

Nabadgalyada

Wadanoolaanshaha

Ilaalinta Deegaanka

Maamulwanaaga

Cudurka HIV/AIDS

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa horay u midaysay Manhajka Dugsiyada sare ee Puntland, waxaana iminka la qaada Imtixaan midaysan, waxaana la baxshaa hal Shahado oo isku mid ah.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

 

 

Scroll to Top