Wasaarada Waxbarashada Oo Bilawday Qorshe Dib Loogu Qorayo Manhaj Cusub Oo Ay Yeelanayso Waxbarashada Dadban

Shirkaani oo ka dhacay xarunta wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa hir-galinta manhajka waxbarashada dadban (Informal Education), waxana goob joog ahaa agaasimaha guud ee wasaarada waxbrashada,masuuliyiin kala duwan iyo quburo ku xeel dheer arimaha waxbarashada dahsoon.

 

Agaasimaha waaxda mashaariicda iyo tababarada ee wasaarada Mudane Maxamad Cali Faarax oo si qoto dheer u faah faahiyay arimaha siyaasada loogu raadinayo manhadka waxbarashada dadban ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaariyeen 18-quburo ah oo oo ku xeel dheer waxbarashada,kuwaasi oo mudo 65-casho ah u fariisan doono diyaarinta manhadka waxbarashada dadban.
Maxamad Cali Faarax ayaa intaasi ku daray hogaaminta howshaani lagu diyaarinayo manhadka waxbarashada dadban inay gacanta ku qaban doonan labo sargaal oo aqoonyahano ah ,isla markasna ku xeel dheer dajinta fariisinta waxbarashada noocyadeeda kala duwan.
Dhinaca kale Kullankaani waxaa ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland Maxamad Cabdiwahaab ,wuxuna sheegay howsha baaxada leh ee manhadka loogu samaynayo waxbarashada dadban ee Puntland inay wakiil ka yihiin madaxda wasaarada waxbarashada oo ku dadaalay sidii wax badan looga badali lahaa hanaanka waxbarasho ee Puntland.
Wuxuna sheegay barnaamijkaani siyaasada u gooniya loogu samaynayo waxbarashada dadban uu yahay mid ay si wayn uga fikireen madaxda wasaarada , ka dibna go’aan lagu gaaray in manhad ku salaysan diinta islaamka ,dhaqankeena suuban loo sameeyo waxbarashada dadban,wuxuna sheegay howsha kor loogu qaadayo waxbarashada dugsiyada hoose ee Puntland iyo tan dadbanba ay wadayaan inta ay siyaasad wanaagsan loogu samaynayo.
Dalka soomaaliya intuu uu bur burka baahsan ku jiray tacliintii iyo aqoontii ayaa dhibaato xun la daristay , Mudane Maxamad Cabdiwahaab ayaa sheegay iyadoo arintaasi saamayn ku yeelatay waxbarashada hadana ay ku rajo wayn yihin in wax  badan lagu kordhiyo lana baahiyo waxbarashada Dalka siiba tan Puntland.
Waxa uu sheegey in ay ka go’an tahay Wasaarad ahaan in Manhaj loo sameeyo Waxbarashada dadban oo aan la dhayalsan karin oo qeybweyn ka ah kor u qaaida Waxbarashada Puntland.
Marka la dhammeyo Manhajkan ayuu sheegey in la bilaabi doono Manhajka Dugsiyada Hoose oo iyana muhiimad gaar ah leh.
Khubaradan, ayaa waxay ku diyaarinayaan Manhajka Waxbarashada dadban muddo 65 bari ah, waxaana la filayaa in Manhajkan uu noqdo mid si weyn ugu tiirsan Diinta Islaamka, Dhaqanka iyo Wadaniyadda.
Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top