Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland oo xusaysa maalinta carruurta Africa

15/jun/2015-Wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maalinta barrito ah xusaysa maalinta Carruurta Africa oo ku beegan 16-ka Juun.

Kulan hordhac u ah xuska maalintaasi ayay wasaraddu ku qabatay magalada Garowe, waxana ka hadlay Haweenka waxbarashadda ee wasaradda,kuwaasoo sheegay in maalinta barrito ah munaasibada lagu qabanayo hoolka Jaamacadda PSU ee magalada Garowe.

Puntland ayaa sanad kasta xus u samayso maalintaasi, iyadoona sidoo kale wasaradda haweenku ay qabato kulamo lagu xuso.

Madaxda ugu saraysa dowladda ayaa lagu wadaa inay kulanka barrito kasoo qayb gallaan,ayna hambalyo u diraan carruurta Soomaaliyeed iyo kuwa Qaaradda.

Hoos Ka Daawo Sawiradii  Tababarka  bandhiga 16  JUN.

DSC05120 DSC05119 DSC05121 DSC05117 DSC05118 DSC05116 DSC05115 DSC05114 DSC05110 DSC05109 DSC05113 DSC05112 DSC05107 DSC05105

Puntlandpost.com

Scroll to Top