Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Oo Maanta Tababar Macalinimo U Furtay 36 Gabdhood.

15/12/2014, Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo kaashanaysa Hay’adaha MERCY COPE iyo USAID ayaa maanta kulliyada tababarka Puntland ee GTEC Garoowe tababar uga furtay 36 macalin oo dumar ah.

Tababarkaan oo ay maalgelinayso Hay’ada Mercy Cope ayna fulintiisa Iska kaashanayaan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland iyo kulliyada tababarka Macalimiinta ee GTEC ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya 36 gabdhood oo laga kala keenay gobolada Puntland loona tababarayo dugsiyada sare ee Puntland.

Maxamed Xirsi oo ah maareeyaha mashruuca SYLI ee Puntland oo ah kan ay macalimiintaani ka fa’iidaysan doonaan ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidii kor loogu qaadilahaa aqoonta macalimiinta loona siyaadin lahaa tirada macalimiinta haweenka ah gaar ahaan dugsiyada sare oo uu sheegay inay xilligaan yar yihiin.

Mid kamid ah ardayda ka faa’iidaysanaysa barnaamijkaan ayaa masu’uuliyiinta wasaarada iyo Hay’adaha barnaamijkaan maalgelinaya uga mahadcelisay fursadaan ay siiyeen waxaana ay balan qaaday inay doorkooda kasoo bixi doonaan.

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Axmed Cabdi Cali Shire oo furay tababarkaan ayaa Hay’adaha Mercy Cope iyo USAID uga mahadceliyey caawimaadooda, wuxuuna sheegay in barnaamijkaani uu waxbadan ka taridoono baahida looqabo macalimiin dumar ah oo tababaran.

Ugu dambayntiina agaasimaha ayaa sheegay in badanaa ardayda loogarto fursadaha noocaan oo kale ah ay dayacaan oo aysan ka faa’idaysan ama marka ay dhamasytaan ay aadaan goobo kale oo ay shaqo kadoontaan wuxuuna ardayda ku booriyey inay tababarkaan ka faa’iidaystaan.

Barnaamijkaan oo socon doona mudo labo sano ah ayaa qayb ka ah dedaalada ay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland kor ugu qaadayso khibrada iyo aqoonta macalimiinta dugsiyada Puntland gaar ahaan haweenka, waxaana kasoo qaybgalayaashu Isku raaceen inay muhiimtahay macalinimada haweenku.

Hoos ka Daaawo Sawirada

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND
 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top