Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo furtay Tababar kor loogu qaadayo aqoonta shaqalaha Waxbarashada iyo tababar ku saabsan Waxbarashada dad ban.

02/Nov/2015.Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Tacliinta Sare ee  Magaalada Garowe Tababar u furtay Qaar ka mid ah Maamulayaasha iyo Maclimiinta Waxbarashada Dadban

Tababarkan oo ahaa mid sare loogu qaadayo Tayada Aqoonta Maamulayaasha Waxbarashada dad ban  Dugsiyada Puntand ay leeddahay.

Biloogii Tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay Xubnaha Sare ee Wasaarada Waxbarashada Puntland iyagoo dhiirar geliyay aqoonta guud ahaan Macalimiinta Dusgiyada Puntland ee Waxbarashada dadka waawayn.

Agaasimaha Waaxda  Waxbarashada Dad ban safiyo sugule oo ka hadlayay furitaankii Tababarkan ayaa waxaa uu sheegay in tani ay qeyb ka tahay hormarinta waxbarashada Dalka. Tababarkaan waxaa ka faa’iideysanaya 68 macalin, waxaana lagu tabobarayaa manhajka waxbarashada dadban.

waxaana lagu Tababaraya Macluumadkan ay ka mid yihin.

1- Waxbarashada Dadka Waawayn inay Qaatan manhajka Cusub heerka 1aad iyo heerka 2aad.

2-Qaabka Wax loo dhigayo iyo habka dadka waawayn wax loo barayo ama loogu gudbin karo.

3-Sida loo maamuli karo fasalka Waxbarashada Dadka Waawayn.

4- habka cashar diyaarinta Waxbarashada dadka Waawayn.

 

Dhinaca kale ayaa waxaa la furamay Tababar logu hormarinayo Waaxda Maaliyada. Tababarkaas waxaa ka qayb galay 25 shaqaale oo ka mid ah shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare; kuwaas oo ka kala yimid Xarunta Dhexe ee Wasaarada, Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka. Waxaana uu socon doonaa mudo dhan lix barri. Tababarkan waxaa fududeysay hay’ada Mercy Corps.  Ujeedada tababarkan ayaa ah in lagu kobciyo aqoonta iyo xirfada shaqaalaha ee ku saabsan maamulka lacagaha iyo dejinta miisaaniyadaha.

Hoos ka Daawo Sawiradii Tababardii kala Duwan.

IMG_2625 - Copy IMG_2621 IMG_2624 IMG_2622 IMG_2626 - Copy IMG_2628 - Copy IMG_2629 - Copy IMG_2629 IMG_2634 IMG_2636 IMG_2631 IMG_2637 IMG_2638

IMG_2641                                Sawiradii Tababarkii Waaxda Maaliyadda Waxbarashada

IMG_2609 - Copy IMG_2606 IMG_2606 - Copy IMG_2605 IMG_2601 - Copy IMG_2600 - Copy IMG_2598 IMG_2596 - Copy - Copy IMG_2595 IMG_2616 - Copy IMG_2615 - Copy IMG_2614

IMG_2607 IMG_2609 - Copy IMG_2611 - Copy IMG_2612

by Deeq Maxamed Warsame

Email.Deeq.hurre99@Gmail.com

Tell- +25257743400

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top