Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Oo Furtay Shir Looga Hadlayo Manhajka Waxbarashada Dugsiyadda Puntland.

06/01/2015, Magaalada Garoowe ayaa  waxaa ka furmay shir looga hadlayo ayaaha Manhajka Waxbarashada Dowlada Puntland, kaas oo looga doodayo ansixinta qaab dhismeedka manhajka Waxbarashada ee Dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee Puntland, kaas oo ay horay udejisey Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare.

Shirkaan ayaa waxaa soo Agaasintay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawlada puntland oo taageero kahelaysa Hay’adaha UNICEF iyo Africa educational trust(AET) oo dhanka waxbarashada wasaarada ka caawiya.

Munaasabadii lagu furayey shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland Dr Cali Xaaji Warsame,Wasiirku xigeenka,Agaasimaha Wasarada Gudoomiyeyaasha Gobalada iyo heer dagmo Macalimiin laga soo xulay Jaamacadaha iyo iskuulada iyo dalada Waxbarashada ee pen iyo marti sharaf kale.

Dr Maxamed Cali Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland oo kahadlay shirkaan ayaa kudheeraaday ahmiyada manhajku kuleeyahay koboca ardayga iyo guud ahaan horumarka bulshada, wuxuuna sheegay in Wasaaradu waxkasta u huridoonto sidii manhajka dalku u noqoqn lahaa mid gaarsiisan heer caalami ah.

Maxamed Cali Waabari Madaxa Hay,ada Africa Educational Trusta waxaana uu faahfaahin ka bixiyey sida wasaarada ay uga taageeraan dhanka waxbarashada, isagoona sheegay inay wasaarada marwalba garabtaagnaan doonaan.

Ugu danbayntiina Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland Dr Cali Xaaji Warsame oo si rasmi ah u furay shirkaan ayaa mahad u celiyey kasoo qaybgalayaasha wuxuuna ka codsaday inay soo bandhigaan fekerkooda dhamaadka shirkaana kasoo saareen nuxur dadka amfaca, Shirkaan ayaa waxaa uu soconyaa mudo 3 Bari ah.

Xog uruurintisana waxay Socotay mudo 2 sana ah, shir wayn oo manhajka Waxabarashada Puntland Looga hadlayo ayaa waxaa la qabanayaa bilaha soosocda.

Halkaan Ka Daawo Sawirro

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ??????????????????????????????????????????????????????????????  ???????????????????????????????   ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top