Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo furtay Mashaariic laga hirgaliyey iskuulo cusub magaalooyinka biyo cade iyo ceel madoobe oo hoos yimada degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

12/18/2018- Wafti balaran oo hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf aw ciise iyo agaasimaha Guud Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal, Gudoonka Waxbarashada Degmada Eyl iyo Haya’dda World Vition ayaa waxaa sifiican lagu soo dhaweeyey magalooyinka kala ah Qarxis, Biyo cade, ceel madoobe.
shacabka ku nool magalooyinka ayaa si diiran u soo dhaweeyey masuuliyiinta ka socotay Wasaarada Waxbarashada iyo Hay’adda World Vition.

Ujeedada safarka ayaa ahaa in la soo furo mashariicdii dhismayaasha iskuulada cusub oo laga hirgaliyey bishii la soo dhaafay ay wada wadeen Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta sare iyo Hay’adda World vition.

Gudomiyaha Degmada Waxbarshada Eyl Xaaji Digir ayaa ayaa ka warbixiyey dhismaayasha Cusub ee iskuulada tuulooyinka laga dhisay isagoo sheegay in baahi badan ka haysatsy caruurta waxbarshada gaartay aysan haysan qolal ay wax ku bartaan balse maanta ay haleen fasalo dhamaystiran.

Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal C/samad shiikh Xaamid ayaa aad ugu mahad celiyey Hay’dda fulisay mashruucan dhismayaasha iskuulada tuulooyinka isga ku tilmaamay inay baahi badan ka dabooli karto caruurta yar yar.

waxaa kalo sheegay hay’adda World Vition in ay waxbadan ka qabatay guud ahaan Gobolka Nugaal iyadoo waxbarashada Gobolka Nugaal degmooyinkooda kor u soo kacayso dadka Waxbarshada gaaray.

Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax farmayeeri ayaa markii hore kormeer ku tagay tuulooyinka hoos taga degmada Eyl isago oo markii hore soo ogaaday baahida ka jirta degaankas ay ahayd in u baahan yihiin Dugsiyo cusub, iyadoo ardayda meesha joogtana gaarayso 1500 arday in ka badan tuulo walba.

Agaasimaha Guud ayaa u rumeeyey riyadoodii inay helaan bulshada ku nool degaankaas iskuulo wax tar leh iyo agab casri oo ay ka mid yihiin kuraas iyo miisas, sabuurado, bugaag, iyo musqulo, barkado iyo macalimiin wax ku ool ah.

Agaasimaha ayaa si diiran ula hadlay Bulshada degaanka ku nool oo yiri tani waxay idiin tahay tusaale wanaagsan oo maanta waana aragteen caruurtiinii oo fasalo cusub wax ku baraneysa anagu balantayadii waa ka soo baxnay.
waana ogaydiin maalinta aniga iyo wasiirka idin imaanaynay inay caruurtiina geed hoostii wax lagu barayey. ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasiir Abshir Yuusuf aw ciise oo ka hadlay furitaanka iskuulada cusub ee tuulooyinka hoos yimada degmada eyl ayaa yiri maha markii ugu horaysay aan ka furno iskuulo cusub degaankan.
Ardayday walba oo Puntland kaga nool tuulo iyo magaalo waa in uu helaa agab waxbarasho, Macalin dhamaystiran si loo helo arday tayo leh iyo waxbarasho fiican.

Wasiirka waxaa kale oo yiri,” waxaa aad u bogaadinayaa dadka tuulada ku nool inaysan dayicin dhismayaasha iskuulda oo ay xafidaan amaanada loo dhiibtay ciyaalkiina ku ogaatan waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada ayaa aad uga mahad celiyayey shaqalaha Waxbarshada hay’adda World vition isagoo amaanay sida dhabta ah ay ula shaqeeyaan Wasaarada Waxbarashada Puntland.

IMG_1023IMG_1030 IMG_1033 IMG_1034 DSC04441 DSC04446 IMG_0990 IMG_0996 DSC04436 DSC04437 DSC04438 DSC04439 DSC04348 DSC04386 DSC04409 DSC04419 DSC04368 DSC04369 DSC04313 DSC04347 DSC04384 DSC04385 DSC04415 DSC04416 DSC04315 DSC04343 DSC04363 DSC04374 DSC04311 DSC04312 DSC04313 DSC04314 DSC04307 DSC04308 DSC04309 DSC04310 DSC04303 DSC04304 DSC04305 DSC04306 DSC04302 DSC04340 DSC04296 DSC04297 DSC04298 DSC04421 DSC04422 DSC04423 DSC04326 DSC04352 DSC04317 DSC04318 DSC04420 DSC04343 DSC04349 DSC04350 DSC04351 DSC04371 DSC04331 DSC04330 DSC04342 IMG_0970 DSC04313 DSC04316 DSC04320 IMG_1022 IMG_0969

 

 

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top