Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland iyo Dowladda Rwanda oo Waxbarashada iska-kaashanaya

24/feb/2015: Waxaa Gegida Diyaaradaha ee Garowe ka duulay 14-04-2015 wafdi safar waxbarasho u aaday Wadanka Rwanda. Wafdiga oo Garoowe dib ugu soo laabtay 22-04-2015 ayaa waxaa hogaaminayey Agaasimaha Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Cabdullaahi Cali Jaamac.

Wafdigu wuxuu ka koobnaa 5 xubnood oo ka kala socda Wasaaradda Waxbarasahada iyo Tacliinta Sare iyo Guddi howleedka tacliinta sare (Higher Education Task Force)

UJEEDADA SAFARKA AYAA WAXAY AHEYD.

 

In Wadanka Rwanda nidaamkooda waxbarasho sida uu u shaqeeyo wax laga soo barto,Waxbarashada Puntland sida ay u shaqaysana lala wadaago iyo

In meelaha labada Dawladood ay iska kaashan karaana la isla arko.

MEELAHA WEFDIGA PUNTLAND UU BOOQDAY WAXAA KA MID AH;

 

Wasaaradda Waxbarashada Qaybeheeda kala duwan.Agaasinka Guud ee Waxbarashada Asaasiga iyo Taciinta Sare.Guddiga Waxbarashada Rwanda (Rwanda Education Board).

Waaxda Taya Dhawrka Waxbarashada.

Guddiga Tacliinta Sare (Higher Education Council).

Xarumaha Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha (TVET).

Integrated Polytechnic Regional Center – Kicukiro Campus – Kigali

Jaamacada Rwanda (University of Rwanda).

Koleejka Waxbarashada (College of Education).

Koleejka Sayniska iyo Tiknoolajiyada (College of Science and Technology).

Koleejka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Caafimaadka (College of Agriculture, Animal Science and Veterinary Medicine) iyo

Jaamacada Kigali (University of Kigali).

FAA’IIDOOYINKA SAFARKA LAGA SOO FAA’IIDAY;

Agaasimaha Tacliinta Sare ee Puntland ayaa noo sheegay in safarku guul ku soo dhammaaday, waxbadana laga soo faa’iiday uuna ahaa safarkii ugu qiimaha badnaa ee abid waxbarasho dibada ah ay u aadaan waxbarashada sare ee Puntland.

 

Siyaasadaha lagu hago tacliinta sare iyo sida loo dejiyo loona maamulo.Qaabka ay isugu xiranyihiin Waxbarashada aasaasiga ah iyo tan sare.

Sida loo hirgeliyo Siyaasada waxbarashada iyo Cida hirgelinteeda iska leh.

Nidaamyada waxbarasho iyo sida ay u kala sareeyaan.

Isku xirka Jaamacadaha Dawlada, kuwa gaarka loo leeyahay iyo Wasaaradda Waxbarashada.

Wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa sanadkan saddex tababar oo aqoon kararsi ah u dirtay bil gudaheed, Jaamacadaha Puntland wadamada Kenya iyo Rwanda, kuwaasoo wax badan ka badali doono aqoonta tacliinta sare ee dalka.

Hoos ka Daawo Sawirada

?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ??????????

Xafiiska warfaafinta W/Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland (Deeq Maxamed Warsame .

 

 

 

Scroll to Top