Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Oo Maanta Furay Shirka Siyaasada Tacliinta Sare ee Puntland.

19/10/2014,Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa maanta daahfuray shirka siyaasada tacliinta sare ee Puntland oo mudo labo cisho ah kasocon doona magaalada Garoowe.

Furitaanka shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dr Maxamed Cali Faarax,iyo Agaasima cusub ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ,iyo Hay’adaha dhanka tacliinta ka gacan siiya dowladda Puntland, Madaxda jaamacadaha iyo xarumaha lagu barto tacliinta sare ee Puntland, khuburada tacliinta ee Puntland iyo marti sharaf kale waxaana mudada uu socdo looga doodi doonaa sidii loo dejinlahaa siyaasada tacliinta sare ee Puntland.

Wasiirka waxbarashaiyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa kudheeraaday ahmiyada ay tacliinta sare ugu fadhido Puntland, doorka ay siisay Wasaaradu iyo baahiyaha uu dalku uqabo dejinta siyaasada tacliinta sare.

waxaa kaloo sheegay in Wasiirku in madax waynaha Dowlada Puntland diirada saarayo sanadkaan iyo waxii ka danbeeya tacliinta sare in hormar fiican laga sameeyo.

Wasiir Cali Xaaji ayaa bahda jaamacadaha Puntland iyo dhamaan kaqayb galayaasha ku bogaadiyey in ay soo ajiibeen ka qaybgalka shirka siyaasada tacliinta sare ee Puntland wuxuuna sheegay in dowladda dhexe taageersantahay tayeynta waxbarashada.

Ugu dambayntiina wasiirka ayaa sheegay in hadii ay suuragasho siyaasada tacliinta sare  lahorgeyn doono kalfadhiga 34aad ee barlamaanka dowladda Puntland oo dhamaadka bishaan ka furmi doona magaalada Garoowe.

 Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntland Dr Maxamed Cali faarax  ayaa labada bari oo shirku socdo si gooni ah ula socanaya waxyalaha laga doodayo iyo  himilada tacliinta sare tiigsanayso mustaqbalka dhow.

Sanadkan gudihiisa ayaa waxaa dhacay shirar badan oo looga hadlayoWaxbarashada tacliinta sare ee Dowlada puntalnd, shirarkaas oo si isdabajooga oga dhacay dalka gudihiisa iyo banankiisa shirarkaas oo marwalba guul fiican ku dhamaada.

Jaamacadaha Puntland ayaa wali sifiican gacanta ugu jirin Dowlada Puntalnd iyagoo inta badan gaar loo leeyahay.

Hoos ka Daawo Sawirada  

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,
Scroll to Top