Wasaarada Waxbarashada Iyo Hay`adaha Ka Shaqeeya Waxbarashada Oo Kulmay

Kulan bileedka wasaarada waxbarashada iyo hay`adaha kala shaqeeya waxbarashada ayaa manta ka furmay xarunta dhexe ee wasaarada waxbarashada .

Ujeedada kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho wixii qabsoomay siday uqabsoomeen iyo goobaha wax laga qabtay  iyo caqabadaha ka horyimi,kulankan ayaa waxaa furay agaasimaha guud ee waxbarashada Mudane Mohamed Abduwahab si kooban uga hadaly ujeedka isu imaatinkan iyo waxyaalaha laysaga baahanyahay mudada loo fadhiyo kulankan,waxaa kaloo uu sheegay agaasimaha in ay meel fiican marayo guud ahaan barnaamjyada waxbarasho iyo in ay jirto in wasaaradu magacawday gudi ka kooban hay`adaha qaar e tagera waxbarashada iyo qaar kamida shaqaalaha wasaarada si ay ugu kuurgalaan waxbarashada gabdha,waxay kaloo ay wasaaradu sheegtay in ay soo dhamaatay gabi ahaanba tirakoobka iskuulada hoose dhexe dhawaana loo gudbi doona iskuulada sare.

Gabagabadii ayaa hay`adkasta waxay soo bandhigtay waxqabadkeedii mudadaa ay qabatay iyo qorshaha waqtiga  soo socda.

 

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top