Wasaarada Waxbarashada Iyo Hay`ada UNICEF Oo Wada Qabtay Banaamij Looga Hadlayo Hormarinta Goobaha Ay Caruurta Waxkubartaan, (Child Friendly space)

Kulan balaaran oo ay soo qabanqaabisay wasaaradqa waxbarashada Puntland oo gacan ka helaysay hayada UNICEF ayaa manta lagu qabtay xarunta wasaarada waxbrashada Puntland,kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubna aad ubadan oo ka kala socday dhamaan hay`adaha iyo Ngo s ka shaqeeya arimaha waxbarashada.

Ujeedada Shirkan ayaa  ah mid ku saabsan Goobaha Waxbarashadu Inay Noqdaan  goobo ku haboon Waxbarashada afka Englis kana loogu yaqaan (Child Friendly space) barnaamijkan ayaa waxaa  Maalgaliyay Hay`ada UNICEF Waxaana Fulinaysa Wasaarada Waxbrashada.

Furitaankii barnaamijkan ayaa waxaa ka hadlay Agaasimha Guud Ee wasaarada waxbarashada Puntland Mr Mohamed Abduwahab Oo Ku dheeraaday hadalka sheegayna in uu yahay barnaamijkan mid muhiimad inoo leh dhamaanteen maadaama uu yahay mustaqabalkii caruurtayada yar yar,Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa taabtay in uu san barnaamijkan ahayn oo kaliya in goobta iskuulka ay tahay goob wanaagsaan ee guud ahaan la doonayo in iskuulku yeesho waxa looga baahanyahay in uu iskuulku yeesho waxaa kamida ,Tayada macalimiinta in kor loo qaado, Manahajka ardada qaadanayaan mayahay mid caruurta la saaxiiba oo ay fahmi karaan, Muuqaalka iskuulka mayahay mid qurxoon , Musqulaha ma yihiin kuwa ku haboon , Gargaar dag dag maleeyahay iskuulku haduu arday wax gaaraan, Maleeyahay iskuulku meelo ay caruurtu ku ciyaaraan, IWM.

Barnaamikan ayaa ah kii ugu horeeyay oo noocaana oo shir weyn laga yeesho ayadoo dadaal badana uu jiro mustqabalka dhawna lasugayo sidii loo dhaqan galin lahaa.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top