Wasaarada Waxbarashada iyo hay`ada Care International Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Xarunta Wasaarada Waxbarashada

Waxaa maanta kulan ku yeeshay wasaarada waxabrashada qaar kamida saraakiisha wasaarada waxabrashda iyo qar kamida hay`adha kashaqeeya waxbarashada kulankan oo socon doono muda laba maalmooda ayaa waxaa si wayn loogu lafa guri doonaa mashruuca waxbarashadu waa iftiin,waxaana shirkan agaasimayay  hay`ada CARE INTERNATONAL, oo iyadu dhawaan bilowday mashruuc balaaran oo lagu hormarinayo tayada waxabrashada .

Shirkan ayaa ujeedkiisa ahaa  sidoo loo lafa guri lahaa looguna qaybqaybin lahaa waaxyaha wasaarada siday uwada shaqayn lahaayeen mashruuca balaaran ee ay dhawaan bilowday hay`ada Care oo lagu magacaabo Waxbarashadu Waa Iftiin,mashruucan ayaa dhawaan lagu daahfuray wasaarada waxbarashada kaasoo ay kasoo qaybgaleen qaarkamida bulshada rayidka,Madaxda ugu saraysa dawlada iyo dhamaan hay`adaha ka shaqeya arimaha waxbarashada.

Wasiir Kuxigeenka  wasaarada Waxbarashada ayaa shirkan si rasmi ah u furay hadala kooban kasoo jeediyay oo uu kaga hadlayo mashruucan waxbarashadu waa iftiin faa`iidada uu uleyahay waxbarashada iyo sidii looga shaqynlahaa oo looga faaiidaysan lahaa.

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

 

Scroll to Top