Wasaarada Waxbarashada Iyo Hay`Ada AET Oo Qabtay Kulan Looga Arinsayo Arimaha Imtixaanaadka

Kulan manta ka dhacay wasaarada waxbarashada ayaa waxaa kasoo qaybgalay  dhamaan waaxyaha wasaarada waxbarashada Gaar ahaan waaxda imtixaanaadka iyo waaxda koormeerka  sidoo kale waxaa iyana lagusoo casumay gudiga dajiya imtixaanaadka ,shirkan ayaa waxaa soo agaasimay hay`ada AET iyo Wasaarada Waxbarashada Gaar ahaan waaxda Imtixaaanaadka .

 

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii waaxyahan loogu tababarilahaa siday usoo saari lahaayeen najiitada imtixaanaadka waqtiga lagu jiro sixitaanka imtixaanka, waana ahmiyada ugu waynayd ee kulankan looga hadlayay ,waxaa sido kale lagu lafa gurayay arimaha imtixaanaadka guud ahaan haday ahaato imtixaanadka  kuwii horay looqaaday iyo kuwa la qaadi doono sanadada soo socdaba  hadii ilaah idmo,ayadoo laga hortagayo khaladaad kuyimaada imtixaanka dajintiisa iyo sixidiisaba.

Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Mudane Maxamed Abduwahaab ayaa kulankan si rasmi ah ufuray waxa uuna mahad balaaran usoo jeediyay hay`ada AET oo iyada muda dheer ka shaqaynaysay arimaha waxbarashada aadna ugu dhuun dalooshay arimaha imtixaanaadka.

 

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top