Wasaarada Waxbarashada Dawladda Puntland oo daahfurtay Barnaamijka Kobcinta Waxbarashada Gabdhaha ee deegaanada puntland

Wasaarada Waxbarashada  ee Dawladda Puntland oo hab lacag la’aan ah wax barasho u siinaya 16,218 arday oo gabdho ah guud ahaan Puntland ayaa waxaa si wada jir ah uga fulinaya deegaanada Puntland Hay’daha Relief International, Care International, ADRA, GRT, iyo Hay’adda CFPT.

Xafladii Daahfurka Barnaamijkan oo manta ka dhacday Xarunta Shirarka ee Hay’adda PDRC ee magaalada Garowe ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland, kusimaha Agaasimaha guud ee Wasarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cali faarax, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Madexda iyo qaar ka mid ah Hawlwadeenada hay’adaha Care International iyo Relief International, saraakiil ka socotay UN-ka, xubno ka socday Bahda Waxbarashada ee gobollada Puntland, dallada Ururada Haweenka ee Puntland, dadweyne iyo Marti sharaf kale oo farabadan.

Xafladan waxaa ka hadlay Masuuliyiin farabadan oo dhinacyadan ka socday waxayna soo dhaweeyeen islamarkaana ay dhiirigaliyeen Barnaamijkan lagu kobcinayo Waxbarashada Gabdhaha.

Xubnihii hadlay waxay farta ku fiiqeen in Gabdhuhu ay door ka qaataan dhismaha qoyska taas badelkeedana aysan helin kaalintoodii iyo xuquuqdoodii waxbarasho, waxayna muujiyeen dareen farxadeed oo la xiriira Barnaamijkan Balaaran ee diirada lagu saarayo kobcinta Waxbarashada Gabdhaha iyo yaraynta Fakhriga.

Mashruucan waxaa maal geliyay dawladda UK (DFID) wuxuuna ka mid yahay mashruuca kobcinta waxbarashada caalamka oo dhan, waxaana qayb ka ah hal abuurka Mashruucan 22 wadan oo Caalamka ah.

Mashruucani wuxuu socon doonaa muddo 3 sano ah si loo kordhiyo ka qaybgalka waxbarashada ee gabdhaha nugul ama ka soo jeeda qoysaska faqriga ah gaar ahaan kuwa aan waxbarashada awood u lahayn ee dhamaaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida magaalooyinka, miyiga, reer guuraaga iyo dadka dalka gudihiisa ku barakacay ee IDPs-yada ah.

Mashruucani waxaa qayb ka ah in la dhisi doono fasalo waxbarasho, Dugsiyadana la gaarsiiyo agabyo kale oo waxbarasho gabdhaha ka qayb qaadanaya si Tacliin natiijo fiican leh loo helo, waxaana sidoo kale la tababari doonaa macalimiinta.

Guud ahaan Ujeedada Mashruucani waxay tahay in ay Waxbarasho helaaan isla markaana ay dhamaystaan dugsiyada 20.000 oo gabdho ah kuwaas oo ka soo jeeda qoysaska faqriga ah, kuwa tabaalaysan, kuwa ka soo jeeda qoysaska aan waxba haysan ee dhamaan Gobolada Puntland.

Mashruucani manta la daahfuray wuxuu qayb ka yahay Barnaamij balaaran oo la xiriira Kobcinta Waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed oo guud ahaan laga fulinayo gobollada Puntland, Somaliland, Galmudug iyo Muqdisho.

DAAWO SAWIRADII XAFLADAAS SAY U DHACDAY.

DEEQ HUREVOV HEAD OF MEDIA

MINSTRY OF EDUCATION PUNTLAND SOOMALIA.

Scroll to Top