Wasaarada Waxbarahsada oo kaashanaysa Hayada Mercy Corp Oo samaysay gudi ka shaqaynaya hormarinta Waxbarashada Gabdhaha

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo kaashanaysa Hay`ada  Mercy Corp ayaa dhawaan waxa ay sameysey Gole kaas oo kor u qaadaya  tayada iyo Waxbarashada Gabdhaha ee Puntland.

 

Maxamed Cabdiwahaab Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa  sheegey in Golahan uu ka kooban yahay 12 Xubnood oo ka kala yimid Gobolada Puntland, si ay kor ugu qaadaan tayada iyo Waxbarashada Puntland, waxaana uu sheegey in Golahan ay ka koobanyihiin gabdho  Macalimiin ah,hooyooyin iyo Ardey.

Agaasimaha oo sidoo kale   ka hadlaya muhiimada ay uleedahay in gabar waxlabaro bulashada ayaa sheegay inay tahay mid wayn,waxayna waxbadan ka badalaysaa bulshada waayo waa udub dhexaadka qoyska gabadha maadaama ay hooyo noqonayaso waxa uuna dhamaan kasoo qaybgalayaashii usoo jeediyay in lagu dadaalo hormarinta waxbarashada gabadhaha.

Golahan, ayaa loo dhisey in ay in la helo Gabdho Macalmiin ah iyo Gabdho badan oo Waxbarashada oo gala oo Waxbarta.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa ku hawlanayd muddooyinkii ugu danbeeyay  olole ballaaran oo ay ku dooneyso in kor loogu qaado Waxbarashada Gabdhaha iyo sidii loo hormarin lahaa ayadoona qabatay shirar badan oo looga hadlayo arimahan.

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top