Wasaarada W. P-land oo qabatay dood la xiriirta xaquqda Gabdhaha Macalimiinta ‏

Wasaarada waxbarashada qaybta horumarinta waxbarashada haweenka Puntland oo in mudo ah ku mashquulsanayd sidii loo soo bandhigi lahaa dhibaatooyinka iyo cabashada dhanka waxbarashada ka haysatada haweenka ayaa afartii bilood ee ugu danbeeyay waxay cilmi baaris ku sameeyeen waxbarashada haweenka Puntland.
Marka laga soo tago daraadaaskaasi waxbarashada haweenka ,madaxda horumarinta waxbarashada haweenka waxay dood dheer oo soconaysay 1-saac u qabteen qaar ka mid ah haweenka macalimiinta ah ee ku nool Puntland,doodaasi oo ka dhacday xarunta wasaarada waxbarashada ayaa waxaa kasoo qayb gallay madaxda Gender Unit macalimiin haween ah iyo masuuliyiin kale waxaana dooda intiisa badan xooga lagu saarayay Qodobo kooban oo kala ah.

1:-Waxaa maxay caqabadaha ugu waa wayn ee hortaagay Haweenka macalimiinta ah marka ay shaqo ka doontaan iskuulaadka?

2:-Maxay tahay dhibaatooyinka ay kala kulmaan haweenka macalimiinta ah marka iskuulada dhigayaan?

3:-Haweenku ma ka hellaan daryaal goobaha waxbarashada ay ka dhigayaan sida Xafiis,suuliyada u gaarka ah ,Tixgalin iyo adeegyadooda?

4:-Maxaa hortaagan inay kor u dalacaan haweenka macalimiinta ah oo mar kasta kusoo koobo xirfadooda macalinimo kaliya?

Su’aalahaasi ayaa ugu waa waynaa oo ay ka doodayeen kasoo qayb gallayaashii kullanka,waxaana xariiriyaha barnaamijka oo ahaa wariye Cabdiwali Maxmaad Shiikh uu doodu u qaybiyay macalimiintii kasoo qayb gallay taasoo mid mid loo waydiiyay dhibaatooyinka ay haweenku kala kulmaan goobaha waxbarashada iyo sida looga bixi karo.


Ugu horayntii Kullanka waxaa faah faahin ka bixiyay Faadumo Shugri oo madax ka ah Horumarinta waxbarashada haweenka (Gender Unit) waxayna sheegtay ulla jeedka doodaani inay tahay Ogaanshaha dareenka ay macalimiinta gabdhaha ah ay ka qabaan sidii loogu soo dhicin lahaa xaquuqda ka maqan dhanka waxbarashada,waxayna sheegtay barnaamijkaani inay ka caawiyeen Hay’adda ADRA iyo Diakoni qabsoomidiisa taasoo ku aadan in laga hadlo sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka ay haweenka Soomaaliyeed kala kulmaan waxbarashada.

Sahra Axmad Kooshin oo ka tirsan qaybta horumarinta waxbarashada haweenka ee wasaarada ayaa ka war bixisay barnaamijkaani marxaladihii uu soo maray,waxayna sheegtay mowduucaani lagu horumarinayo aqoonta macalimiinta uu yahay mid soo socday lana rabo in kor loogu qaado aqoonta haweenka iyo dhiiri galintooda,waxayna sheegtay daraasaadkii ay horay soo bandhigeen ee ku saabsanaa waxbarashada haweenka ay kala kulmaan arin aad u dhaxdin badan oo ku aadan in ay iskuulaadka ku yar yihiin haweenka qaarkood ay kala kulmaan dhibaato aan qoraal lagu soo koobi karayn.

Waxayna sheegtay Sahra Axmad Kooshin Gender Unit inuu u taagan tahay sidii ay haweenka macalimiinta iyo kuwo ardayda ahi u heli lahaayeen xaquuqdooda ka maqan,taasoo ay sheegtay haweenka laftigooda in looga bahan yahay inay ka doodaan xaquuqda ka maqan.

Hadaba muxuu yahay xalka kaliya ee lagu gaari karo in haweenka macalimiinta ah ay kaga gudbaan dhibaatooyinka kalla kulmaan iskuulada ay macalinka ka yihiin ,arintaasi waxaa tilmaam ka bixisay Maryan Ciise oo ka mid ah macalimiinta haweenka ah ,waxayna tilmaamay inay kaga bixi karaan caqabaha ay la kullmaan haweenka wasaaradda waxbarashada oo mushaharka macalimiinta bixisa .

Ugu danabyntii Kullanka ayaa waxa uu kusoo dhamaaday jawi aad u sareeya,waxaana lagu ballay in kor loo qaado sidii loo heli lahaa haween macalimiin ah oo u dagaalama xaquuqdooda ka maqan iyo waliba helitaanka adeegyada caadiga ah ,anagoo wada Ogsoon haweenku inay yihiin kuwo xaq gaar ah naga mudan waayo mar way na dhalleen oo 9-bilood ayay caloosha nagu soo sideen mar way noo dhaxaan oo oori ayay noo noqdaan marse way nalla dhasheen oo xaquuq ayay kaa mudan yihiin marka sidaasi oo ay tahay mudane xaq dhowr oo usoo dhici xaqa ay lee dahay macalimada haweenka ah .
Barnaamijkaan Gender Unit ee wasaarada waxbarashada Puntland waxaa dhanka dhaqaalaha ka taageerayay Hay’adda Diakonia oo la garab taagan sidii loo heli lahaa Xaquuqda macalimada haweenka ah.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

 

 

 

Scroll to Top