Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo shir ku saabsan hirgalinta manhajka dugsiyadda hoose/dhaxe Puntland u furtay Gudoomiyeyaasha Waxbarashadda iyo Degmooyinka.

03/May/2015-Wasaaradda waxbarashada iyo taclinta sare e dowladda Puntland ayaa  qabatay shir loogu hadlayo hirgalinta manhajka dugsiyada hoose/dhexe Puntland.

Shirkaan oo socondoono labo maalin ayaa lagu casuumay 40 qof oo ka socday kormeerayaasha gobolada iyo gudoomiyaasha waxbarashada sagaalka gobol ee Puntland iyo degmooyinkooda, waxaana furitaankiisa ka qeyb galay wasiirka waxbarashada, agaasimaha guud iyo madaxda AET.

Madaxa hay’addA AET Maxamed Cali Waaberi ayaa sheegay manhajkaan inay waqti badan iyo dadaal dheeraad ah geliyeen, si uu unoqdo manhaj la jaanqaaadi kara caalamka intiisa kale. Wuxuu intaas kusii daray in fulintiisa loo baahan yahay in ay noqoto mid si dhab ah loogu howlgalo.

Maxamed Cali Waaberi ayaa sheegay inay rajeynayaan in dhawaan tababaro lasiiyo macalimiinta, si loogu tababaro muqararka cusub ee dugsigada hoose/dhexe, kaasoo todobaadkii hore la daahfuray.

Sidoo kale, waxaa shirka hadlay Cabdinoor Axmed Maxamed oo ka hadlay taariikhda iyo marxaladaha uu soo maray manhajka waxbarashada, wuxuuna soo sheegay sahan lagu sameeyay manaahijta ka jirta dalka in lagu oagaday inaanu dalku lahayn manhaj guud iyo muqararka dugsiyada dhexe, balse u jiro muqarar dugsiyada sare.

Agaasimaha Waaxdda Tayeynta iyo Tayo dhowrka Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abdulqaadir Yuusuf Nuux ayaa sheegay in lix sano iyo bar loo soo dhabar adeegay wax walbana Guul laga gaaro, si ubadkeena Mustaqbalka u helaan waxbarasho Tayo leh iyo manhaj fiican oo haga.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cusman ayaa sheegay muhiimada laga leeyahay shirkaan inuu yahay in bahda waxbarashada gobolada lagala tashado sidii loo dhaqan gelin lahaa nmuqararkaan cusub sanadka dugsiyeedka soo socda ee 2016/2017, isagoo sheegay inuu filayo inay natiijo wanaagsan kasoo baxaan shirkaan.

Maxamed Cadulqadir ayaa u sheegay gudoomiyaasha iyo kormeerada waxbarashada gobolada inay 90% saaran tahay masuuliyad ku saabsan inay fuliyaan go’aamada kasoo baxa wasaaradda waxbarashada, isagoo sheegay manhajkaan inuu qeyb ka yahay waxyaabaha la doonayo in si rasmi ah fuliyo.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Dr. Yuusuf Abshir Ciise oo furay shirkaan ayaa ku booriyay wakiilada waxbarashada ee gobolada in xil weyn la iska saaro islamarkaana dabagal lagu sameeyo sida uu u shaqeynayo muqararka kadibna warbixin lagasoo gudbiyo haddii uu qalad jiro, si loo saxo.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in ay ku talo jiraan in buugaag lagusoo daro muqararka, wuxuuna ka qeyb galayaasha shirka usoo jeediyay inay taladooda ku biirayaan wasaaradda waxbarashada.

Shirkaan oo gacanta ka geysatay hay’adda horumarinta waxbarashada Afrika ee AET ayaa qeyb ka ah shirar badan oo soo socday oo looga hadlayay dhameystirka manhajka waxbarashada Puntland

Hoos ka Daawo sawiradda

_DSC4233

_DSC4237

_DSC4239

_DSC4242

_DSC4243

_DSC4245

_DSC4246

_DSC4249

_DSC4251

_DSC4257

_DSC4258

_DSC4262

_DSC4263

_DSC4265

_DSC4270

_DSC4273

_DSC4274

_DSC4277

_DSC4279

_DSC4281

_DSC4282

 

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top