Wasaaaradda Waxabarashada oo kulan hordhac ah ku daah furaysa hirgalinta Mashruuca Waxbarashadu Masugi karto( Education cannot Wait Project)

Kulan weyn ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland iyo hay’adda Save the children oo maalgelin ka helaysa sanduuqa Education Cannot Wait (ECW) ayaa waxaa lagu qabtay hoolka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, waxaana looga hadlay habka fulinta mashruuca cusub ee Education Cannot Wait (ECW) kaas oo dhawaan lagu saxiixay heshiiskii New York.

Waxaa shirka kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Agaasima-waaxeedada kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee daneeya waxbarashada iyo hay’adaha taageera waxbarashada sida Save the children, UNICEF, Care, RI, NRC, World Bank, TASS iyo qaar kale.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayey sidii loo qorsheyn lahaa habka fulinta mashruuca, masuuliyadaha iyo kaalmaha hayadaha ka shaqeynaya mashruuca, dejinta habraaca mashruuca Education Cannot Wait (ECW), iyo u qareemidda in loo helo ilo dhaqaale oo lagusii socodsiiyo mustaqbalka.

Mashruucani wuxuu dabooli doonaa baahiyaha waxbarashada deg-degga ah isaga oo wax weyn ka tari doona fursad u siinta caruurta in ay waxbarashada sii wadan karaan xilliyada qallafsan.

Mashruucan oo diiradda saari doona waxbarashada deg-degga ah ayaa waxa mudo hal sana ah laga shaqeynayey Proposal-kiisa waxaana si joogta ah uga qeyb qaadatay Wasaaradda Waxabarashada, ECW iyo Save the children iyada oo lagu saleeyey baahiyaha waxbarashada deg-degga ah ee ay Wasaaraddu gudbisey.

Mashruucan ECW ayaa waxa uu ka hawl geli doonaa dhammaan gobollada Puntland waxanaa si toos ah u fulin doonta hay’adaha Save the children iyo CARE.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Cabdullaahi Xassan Maxamed oo shirka furay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku kalsoontahay Hay’adaha tageera Waxbarashada isla markaana looga fadhiyo inay kasoo baxaan hawlaha horyaalla.
Wasiirka Waxbarashada ayaa tilmaamtay in Waxbarashadu ay lagama maarmaan u tahay yaraynta saboolnimada, dhisidda bulsho-nabadeed iyo kor u qaadista isku duubnida bulshada, sidaa darteed ay mudan tahay in la taageero waxbarasada caruurta Puntland ee Soomaaliyeed .
Hoos ka Daawo sawiradda.
IMG_0715

IMG_0716

IMG_0717

IMG_0718

IMG_0643

IMG_0644

IMG_0645

IMG_0647

IMG_0648

IMG_0649

IMG_0650

IMG_0651

IMG_0653

IMG_0654

IMG_0655

IMG_0656

IMG_0657

IMG_0658

IMG_0659

IMG_0661

IMG_0662

IMG_0663

IMG_0664

IMG_0665

IMG_0666

IMG_0667

IMG_0668

IMG_0669

IMG_0670

IMG_0671

IMG_0672

IMG_0673

IMG_0674

IMG_0675

IMG_0676

IMG_0677

IMG_0678

IMG_0679

IMG_0680

IMG_0681

IMG_0682

IMG_0683

IMG_0684

IMG_0685

IMG_0686

IMG_0687

IMG_0688

IMG_0689

IMG_0690

IMG_0691

IMG_0692

IMG_0693

IMG_0694

IMG_0695

IMG_0696

IMG_0697

IMG_0698

IMG_0699

IMG_0700

IMG_0701

IMG_0702

IMG_0703

IMG_0704

IMG_0705

IMG_0706

IMG_0707

IMG_0708

IMG_0709

IMG_0710

IMG_0711

IMG_0712

IMG_0713

IMG_0714

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top