Wasaaadda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland oo Jaamacado ka hirgelisay Adeega E-Library (eGranary)

20-May-2015:Kulan Shalay lagu qabtay Kuliyada Macaliinta Garoowe GTEC ayaa lagu soo bandhigey barnaamij laga hirgeliyey 9 xarumood oo Jaamacadaha Puntland ku yaala iyo xarunta wasaarada Garoowe, waxaa ka qayb galay wasiirka waxbarashada Puntland, Madax ka socday 9-ka jaamacdood ee ka faa’iideysaya adeegan, hay’ada CARE iyo masuul ka socday Jaamacada VU Amsterdam.

Eng Cabdulaahi Cabdulqaadir Faataxo oo ah Injineerka Barnaamijkan isku xiraha ka ah ayaa sharaxaad ka bixiyey Maktabadan oo ku shaqaynaysa qaab Internet balse ka xawaare dheereeya lagana helayo dhamaan maadooyinka Jaamacadaha laga dhigo, Wuxuu sheegay in caalamka laga isticmaalo lona yaqaan Egranary (Internet in Box).

Cabdulaahi Faataxo wuxuu sheegay in adeegan awood u leeyahay in ardaygu uu jaamacadiisa ka hex diyaariyo dhamaan cilmi baarista ku saabsan Takhasuskiisa oo uu san ku dhibtoonayn waana sababta ka dambaysa in barnaamijkan looga faa’iideeyo Ardayda Puntland.

Saciid Cismaan Faahiye oo ku hadlayey magaca Jaamacada VU AMsterdam oo adeegan kaalin ku lahayd ayaa ka hadlay qaabka uu barnaamijka ku yimid Puntland wuxuu tilmaamay in ay ka dhalatay shirweyne wasaaradu sanad ka hor qabatay ay keentay in loo istaago sidii loo heli lahaa Barnaamij kuwada dhan Casharada Jaamacadaha, Wuxuu sheegay in hirgelinta barnaamijkan ay kawada shireen hay’adaha Care, ADRA iyo VU Amsterdam, Wuxuu barnaamijkan hirgelintiisa uga mahadceliyey jaaliyada Minnesota.

Barnaamijkan ayuu sheegay Faahiye in sidoo kale dhamaan xarumaha waxbarashada sida Jaamacadaha, Dugsiyada Sare, Hoose, Dhexe iyo goobaha sida gaarka loo leeyahay ee aan fursad u helin barnaamijkan ay furan karaan hadii ay iskood u awoodaan in ay samaystaan adeegan.

Axmed Sh Cabdullahi oo ah madaxa hay’ada CARE Puntland ayaa sheegay in adeegan yahay Guusha koowaad ee Jaamacadaha maadaama ay goobahooda waxbarasho ka dhex helayaan adeeg ay ku kaydsan karaan masharada sidoo kalana ay ka dhexhelayaan dhamaan aqoonta Jaamacadeed.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid muhiim u ah Jaamacadaha, Wasaarada iyo Ardayda Puntland oo ay ka helayaan macluumaad aysan horay u heli jirin sababo dhanka Internetka iyo cilmi baarista.

Wasiirku wuxuu sheegay in hormarka wasaaradu uu socdo ayna markasta ku soo kordhaan barnaamijyo, mashaariic kala duwan oo intooda badan ay wasaaradu ku tayeynayso waxbarashada Puntland, Dhinaca kale Barnaamijkan ayuu sheegay in ay rajaynayaan inlooga faa’iideeyo Jaamacadaha kale ee ku yaala Soomaaliya inteeda kale.

Adeegan Maktabada Internetka waxaa fursad u helay Jaamacadaha GTEC Garoowe, PSU Garoowe, Bariga Africa Boosaaso, Jaamacada Bosaso, Muqisho Faraca Boosaaso, Jaamacada PIMAD Boosaaso, PUSTECH Gaalkacyo iyo Maakhir Sanaag Waxaa 10 ku ah xarun laga dhex furayo wasaarada Waxbarashada Puntland.

Sawirro.

SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
Scroll to Top