Waragalin Go’aan Wasaradeed ee Ku wajahan Gobolka Mudug.

09/30/2017- Masuuliyiintii waxbarashada gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ayaa xilalkii laga qaaday sidoo kale Labo dugsi sare oo ka shaqayn jiray gobolka mudug buuxina waayey shuruudaha dugsiga sare ayaa aqoonsigii wasaarada lagala noqday.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ka dib markii uu wareystay Guddigii kormeerka ahaa ee loo diray Gobolka Mudug, ka dib markii uu la tashay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, ka dib markii uu arkay baahida loo qabo tayeynta waxbarashada ee Wasaaraddda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ayuu go’aansaday in uu sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis ku meel gaar ah.

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday waxaa ka mid ah:

1.Guddoomiyihii Waxbarashada ee Gobolka Mudug – Bashiir Axmed Khalaf.

2.Guddoomiyihii Waxbarashada ee Degmada Gaalkacyo – Maxamed Cabdi Faarax

Waxaana xilalkaas si ku meel gaar ah loogu magacaabay mas’uulka ah:

1.Maxamed Yuusuf Cali oo ku meelgaar loogu magacaabay Guddoomiyaha Waxbarshada ee Gobolka Mudug.

2.Cabdi Jaamac Maxamuud oo ku meelgaar loogu magacaabay Guddoomiyaha waxbarashada ee Degmada Gaalkacyo.

Kadib markii ay cadaatay in labada dugsi sare ee Mideeye(Al-raxma) iyo C/llaahi Yuusuf aanay u hogaansamin nidaamka iyo qawaaniinta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare sida ay soo gudbiyeen gudigii xaqiiqo raadinta ahaa ee wasaaradu u dirtay gobolka Mudug ,waxay wasaaradu kala laabatay aqoonsigii iyo diiwaangelintii labadaas dugsi.

Waxaa gudoomiyaha gobolka iyo taliyaha qaybta gobolka mudug lagu wargelinayaa in ay hubiyaan fulinta go’aanka wasaarada kasoo baxay ee ku wajahan labada dugsi sare ee kor ku xusan.

Waxaa si gaar ah loo farayaa Agaasimaha Guud ee WWTS in uu soo gudbiyo liiska u tartamayaasha xilka gudoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug.

Wadashaqeyn wacan;

degreetada hoos ka kala dega.IMG_0354 IMG_0365 IMG_0367 IMG_0262IMG_0354IMG_0262
IMG_0292
IMG_0296 IMG_0297

 

 

Scroll to Top