War saxaafadeed ay soo wada saareen Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Horudhac:Waxaa Puntland soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya (DFS), mudane Maxamed Xasan Rooble. Waxaa wafdiga qayb ka ahaa Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DFS, mudane Cabdullahi Abuukar Xaaji (Carab)iyo Wasiiru-dawlaha Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee DFS, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir).Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Disembar 2020, waxaa kulan is afgarad ah dhexmaray madaxda labada Wasaaradood. Kulankan waxaa looga arrinsanayey arrimaha waxbarashada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta labada wasaaradood ee Puntland iyo dawladda dhexe.Waxaa la isku afgartay qodobbada hoos ku xusan

:1. In ardayda Puntland ee dhammaysay dugsiga sare loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee Federaalka oo laga heli doono xarunta dhexe ee WW&TS ee dawladda Puntland iyo xarunta dhexe ee WWH&TS ee dawladda Federaalka Soomaaliya

.2. In la isugu yimaado shirweyne looga arrinsanayo arrimaha waxbarashada dalka (sida xeerka iyo siyaasadda waxbarashada, dhismaha guddiyada imtixaanaadka, manaahijta iyo kormeerka waxbarashada, IWM)

.3. Waxa ay labada wasaaradood isla qaateen in ardayda reer Puntland loo siidaayay shahaadada dugsiga sare ee dawladda Federaalka.Wabillaahi Towfiiq.Dhammaad.

Scroll to Top