Wakiilada Gobolada Puntland Ee Waxbarashada Gabdhaha Oo Manta Tababar Loo Furay

Tababar manta loo furay wakiilada wasaarada waxbarashada Puntland u fadhiya gobolada ee qaabilsan waxbarashada gabdhaha,ayaa manta lagu qabtay xarunta wasaarada waxbarashada Ee magaalada Garoowe , tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday  hayada UNICEF Iyo wasaarada waxbarashada gaar ahaan xafiiska Gender Unit .

Ugu Horayn ayaa waxaa kulankan furay wasiir kuxigeenka waxbarshada Mr Mohamud Mohamed Idiris waxa uuna sheegay in wasaaradu taageerayso waxbarashada gabdhaha taageera buuxdana ay siinayso cid alaale cidii hormarinaysa waxbarshada gabdhaha waana arin muhiima waxaan kula dardarmaya cidii ku guulaystay barnaamijkaan inay ka faidaystaan kuwa aan nasiibka uyeelana waxay insha Allah ka faa`idaysan doonaan barnaamijyada soo socda oo isaga lamidka ah.

Tababarkaan ayaa waxaa loo furay xubanaha uga ah wakiilada waxbarashada gabdhahaa ee gobolada Puntland waxaana tababarkan bixinaya dad khubura ah oo ajaaniba kuwaasoo kasocda hayada UNICEF oo ah hay`ada wada barnaamijkaan loo tababaryo xubnaha gobolada .

Barnaamijkan ayaa  ah barnaamij loogu magacdaray Accelerator Female participation In Education (EFPE) waa barnaamij loogu talagalay gabdhaha reer Puntland ee aan awoodin inay waxbartaan kuwaasoo hoy unoqtay jahnlinimo iyo inya waxbarashada guryaha kaga jiraan taasoo awoodu udiiday,marxlada badan uu soo maray barnaamijkaan ayaa ugu danbayntii lagu guulaystay hirgalintiisa .

Hay`ada UNICEF oo ah hay`ada maalgalinaysa barnaamijkan ayaa waxay uwakilatay wasaarada waxbarshada inay qaabayso dajisana qorshaha lagu qaybinayo deeqdan waxbarsho ee loogu talagalay gabdhaha danyrtaa ee aan fursada uyeelan inay waxbartaan ,bishii aanu soo dhaafnay ayaa xubnaha wasaarada waxay barnaamijkana ka baahiyeen dhamaan saxaafada ka hawlgasha Puntland ,waxayna kormeer ay ku sameeyeen dhamaan gobolada Puntland si ay u`xaqijiyaan xogta dhabta ah ee halkaasi ka jirta .

“Fadumo Shugri (Head Of Gender Unit)”]

Madaxa xafiiska  Gnederka Ee wasaarda waxbarashda Mrs Faduma Shugri ayaa iyada ka hadashay muhiimada barnaamikan iyo sida ay ugu faa`idaysanayaan dadka ku guulaystay waxay kaloo sheegtay in barnaamijkaan ay soo codsadeen dad gaaraya 600 oo qof lagana xushay 186 gabdhood kuwasoo ahaa kuwa ugu liita ee an  nolol maalmeedkooda xitaa aan awoodin iskada inay waxbartanewaana dad ubadan dadka laga tirade badanyahay ee loo yaaan Minority .

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top