Waftigii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo la kumay Madaxda Jaamacadaha Dalka Sudaan

05/Janaury/ 2017- Wafdiga Ka socday Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta sare Puntland oo ku sugan dalka Sudan ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiye ku- xigeenka jaamacada Quranu Kariim ee Sudan Dr. Macaawiya, Kulan kaas oo loogu lafa-guray dhinacyo badan sida Xiriirka Wasaaradda iyo Jaamacada ,Deeqaha waxbarashada (sida: Degree, Master iyo PHD), Qaabilida ardayda Soomaaliyeed iyo xiriir jaamacada Puntland iyo Jaamacadda Quranu Karim.

Sidoo kale waftidu wuxuu u kuur galay xaalada Ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarata Jaamacada, Iyagoona ku balamay in ay kala saxiixdaan heshiis rasmi ah kaas oo ku saabsan dhinacyada aan kor ku soo xusay.

Booqashadii Jimciyadda Qaabilsan Ardayda Ajaaniibta Ah

Wafdiga Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland Sidoo kale waxay kulan gaar ah la yeesheen Madaxda Jimciyada Qaabilsan Ardayda Ajaanibta ah ee Suudaan waxkabarata, Kulan kaas waxaa looga wada hadlay in ay kala saxiixdaan heshiis rasmi ah oo ku saabsan

  1. Xiriirka wasaaradda iyo Jimciyada
  2. Raadinta Deeqo Waxbarasho
  3. Taageerida Ardayda Puntland /Soomaaliya
  4. Dhiirigalinta Ardayda Puntland/Soomaaliya

TABABARKA KOBCINTA iyo TAYADA XAFIISKA IMTIXAAMAADKA PUNTLAND .
Waxaa si rasmi ah u bilowday tababar ku saabsan qiimaynta iyo jaangoynta darajooyinka ardayda, oo wax wayn ka badali doonta waxbarashada iyo imtixaamaadka Puntland.

Sidoo kale Waftidigu oo uu hogaaminaayo Wasiir xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland Dr. Maxamed Cali Farah waxay Kulan la qaateen Dr. Abdalla Al-khurasani oo ah Gudoomiyaha Jimciyada hormarinta iyo Gargaarka oo ay ka wada hadleen sidii loo hormarin lahaa Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland gaar ahaan Qeybta Imtixaamaadka iyo Manaahijta

 

                                       Hoos Ka Daawo Sawiradda.1234

wasaradda wasaradda-waxbarashada

 

Scroll to Top