Waftigii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dalka Suudan oo la kulamay Jaamacadaha Dalka suudan

1/january/ 2017 – Booqashadii Munadamada Dacwada Islaamka Wafdiga Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliin sare Puntland oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax  ayaa  waxay  la kulmeen  hay’adda dacwada islaamka ee Dalka Suudan madaxdoodii gaar ahaan Xoghaya Guud Hay’adda Dr. Cabdiraxiim Cali iyo madax kale, kulan kan wuxuu ahaa kulan waxbadan la is waydaarsaday, waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:

1- Deeqaha waxbarashada gaar ahaan qoondada la siiyo ardayda puntland

2.Abaaraha ka jira Puntland

3.Sidii ceelal loogu qodilahaa dad reer guuraaga iyo tuulooyinka abaartu ku soo noqnoqoto.

4.Sidii macalimiinta loogu tababari lahaa manhajka cusub.

5.Sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen Qoridda Buugaagta dugsiyada hoose/dhexe ee Puntland

6.Sidii dugsiyo loogu dhisi lahaa Tuulooyinka aan Dugsiyada lahayn.

  1. Sidii xiriirka Hay’adda iyo wasaarada kor loogu qaadi lahaa , qiimayna ugu sameyn lahayeen waxbarashada Puntland isla markaana xafiiska puntland ay ku leeyihiin ay u xoojin lahaayeen.
  2. Sidii xiriirka Dawladaha islaamka loogu xiri lahaa Puntland 9. Sidii Dugsiga Xamdaan-bosaso loo taageeri lahaa Kulan kani wuxuu aháa kulan aad u qiima badan Waxaana rajaynaynaa in uu miro dhalo sida ugu dhakhsiyaha badan. Shacabka puntland waxay arki doonan wax ay ku farxaan.

Dhinaca kale Waxaa kalo Waftiga la kulamy   Munadama Gargaarka iyo Hormarinta dadka

waxayna  kulan la yeeshay Xoghaya Guud ee Hay’adda Gargaarka iyo hormarnta dadka Dr Abdalla Khurasani iyo madax kale, Kulankani waxaa lugu lafaguray waxyaabahaan hoose:

1.Sidii shaqaalaha wasaaradda aqoontooda kor loogu sii qaadi lahaa

  1. Sidii loo xoojinlahaa Kuliyadda Tababartka  Macalimiinta  ee GTEC
  2. Sidii loo furilahaa machad luuqada carabiga lagu barto
  3. Sidii loo tababari lahaa macalimiinta luuqada carabiga iyo Tarbiyada islaamka
  4. sidoo kale waxaa loo fidiyay casumaad ay ku imanayaan Puntland

6.Sidii xiriirka Dawladaha islaamka loogu soo jeedin lahaa Puntland Waxaan rajaynaynaa in balan qaadkan uu noqdo mid shacabka puntland ay ku farxaan. Guul Guul.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.
232226
20 21 22 23 24 25 26 30 31 32 33 34 35 36 37 39 40

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top