Waftiga Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo la kulamay Maamulka jaamacada umo Darmaan iyo jaamacda furan ee dalka Suudan

11/January/ 2017- Wafdiga Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland oo hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland  Dr Maxamed Cali Faarax ayna Waheliyaan Agaasimaha Waxaada Imtixanaadka Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) iyo Saraakiisha Xafiiska Imtixamadka Dowlada Puntland,waxay kulan gaar ah la qaateen  Maalintii 8aad  Gud. xigeenka Jaamacada Umo durman Proff. Khadar idiris, kulan kaani wuxuu ahaa kulan lagu qiimaa lahaa kaas oo waxtar u ah dhammaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan Puntlland Kulan kaan waxaa la isku afgartay

  1. In Heshiis rasmi ah lawado galo oo deeqo waxbarasho oo heerar kala duwan leh sanadle ah
  2. in ardayd Wasaaradu sugaysay qubuulkooda iyo Visahooda sida ugu dhakhsiya badan la soosaaro.

3.In luuqada carabiga la xoojiyo. Wafdigu wuxuu ku guulaystay in heshiis rasmi ah ay wadagalaan Jaamacada Omudurman ee Dalka suudaan kaas oo ku cad xiriirka Labada dhinac iyo Deeqaha waxbarashada heerarkeeda kala duwan.

 

Dhinaca kale Wafdiga Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland waxay  kulan gaar ah la yeeshay Ku simaha Jaamacada Jaamacada Furan ee Suudaan Proff Maxamed Abo Emam Kulan kaani waxaa la isku afgartay

  1. In la xoojiyo xiriirka Jaamacadaha Puntland iyo Jaamacada suudan ee furan ( Open university of Sudan)

2.In la xoojiyo luuqada carabiga maadaama ay dastuurka Puntland ku taalo.

3.In ardayda Puntland ay u furantahay in Waxbarashada fog ee elektarooniga ah ay wax ka barankaraan Jaamacada furan ee Suudaan ayagoo gurigooda ama shaqadooda haysta.

Waftigaan ayaa dadaal  ugu jira baahinta iyo tayaynta Waxbarashada Puntland, waxaa safar isugu jira booqasho  iyo Tababar loosamaynayo waaxda imtixaanaadka kutagay  Dalka Suudaan wafdi  ka kooban afar qof oo uu hogaaminayo Wasiir  ku xigeenka wasaarada waxbarashada  iyo Tacliinta sare

Hoos ka Daawo Sawiradda

30 31 32

48 33 34 35 36 37 39 40 41 43 46 43 45 39 40 4540

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top