Waftiga Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland oo la kulmay Maamulka Machadka Garsoorayaasha ee Dalka Suudan.

19/january/ 2017- Wafdiga Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland oo hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ayna Waheliyaan Agaasimaha Waxaada Imtixanaadka Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) iyo Saraakiisha Xafiiska Imtixamadka Dowlada Puntlandland oo Maal mahanba ku sugnaa dalka Suudan waxay kulan gaar ah la yeeshay Machadka Garsoorayaasha Dalka Suudaan. Wafdiga Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland oo kulan la yeeshay Dr. Yahya F.Hakim oo ah Hurmuudka macadka Garsoorayaasha ahna xubin ka mid ah maxkamadda sare Dalka Suudaan. kulan kaani wuxuu ahaa kulan qiimo u leh Garsoorayaasha, Garyaqaanada iyo kalkaaliyaashada Maxkamada Puntland, Wafdiga oo wakiil u ah Wasaaradda Cadaaladda Puntland waxaa la isku afgartay:

  1. In Macadku diyaariyo tababaro ku haboon Garsoorayaasha, Garyaqaanada iyo Kalkaaliyaasha Puntland kaas oo lagu siinayo xirfad ku haboon shaqadooda.
  2. In wasaaradda Cadaaladda Puntland laga saacido xiriirka ururada ka shaqeeya Cadaaladda ee Dowladaha Carabta

3.In laga saacido sidii Wasaaradda Cadaaladda Puntland loogu dhisi lahaa Machadka Tababarka Garsoorayaasha Puntland.

 

sidoo kale wali waxaa socda tababarkii hawlwadeenada inmtixaanka Puntland oo ugu socday Xafiiska imtixaamaadka Suudaan

waftigaan ayaa soo dhawayn fiican ka helay madaxda Dalka suudan iyagoo ku mashaquulsan baahinta iyo tayada waxbarsahada puntland.

Hoos ka Daawo sawiradii

40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top