Wafti ka socda wasaarada waxbarashada Hidaha &Tacliinta sare Dawlada federaalka oo booqasho ku yimid Wasaarada Waxbrashada iyo Tacliinta sare ee Dawlada Puntland.

julay/o5/2017- Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo  Tacliinta sare Dawlada Federaalka ee  Somalia Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan iyo agaasimaha guud ee isla wasaaradaas Mudane Maxamed C/qaadir Nuur ayaa booqasho rasmi ah ku yimid caasimada Dawlada Puntland, kadib marti qaad ay ka heleen Wasaarada Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Waftiga ayaa kala kulmay soo dhowayn balaaran Wasaarada Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Prof, Abshir Yuusuf Aw-Ciise, wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Dr, Maxamed Cali Faarax, agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada  Maxamed C/qaadir Cusmaan iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Waftiga ayaa booqday dhamaan xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland kadibna waftiga ayaa booqasho iyo talaan ugu tagay madaxweye ku xigeenka  Dawlada Puntland Eng, Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey.

Ujeedada waftigu u  yimid ayaa ah ka qaybgalka shirweyne looga hadlayo arimaha waxbarashada labada wasaaradood tan Federaalka iyo tan Puntland.

Qodobada shirka looga hadlayo ayaa ah.

  1. Sharciga iyo siyaasada waxbarashada.

 

  1. Xoojinta xiriirka iyo nidaamka wada shaqaynta labada wasaaradood.

 

  1. Manaahijta iyo imtixaamaadka: labada wasaaradood waxay si qoto dheer uga wada hadlayaan islana meeldhigayaan ahmiyada uu leeyahay manhaj iyo imtixaan mideysan oo dalku yeesho si loo xaqiijiyo helitaanka waxbarashado tayo leh oo ku taagan manhaj midaysan, qiimeyn midaysan iyo shahaado mideysan .
  2. Deeqaha waxbarashada.

 

  1. Mashaariicda waxbarashada.

 

  1. In la mideeyo qaab dhismeedka xarumaha waxbarashada si waafaqsan nidaamka caalamiga ah.

Shirku wuxuu bilaabanayaa maalinka khamiista taariikhduna ku beegantahay 06/7/2017, wuxuuna qaadan karaa ku dhowaad mudo asbuuc ah.

Waa markii sadexaad oo wafti heerkaan ah yimaado Puntland tan iyo 2012 taasna waxay ku tusaysaa sida Puntland fure muhiim ah ugu tahay waxbarashada Somalia.

 

Hoos ka Daawo Sawiradda

IMG_2858 IMG_2859 IMG_2872 IMG_2874 IMG_2875

IMG_9904 IMG_9905 _MG_3107 IMG_0079 IMG_2853 IMG_2855 IMG_9892

_MG_3057 _MG_3056 _MG_3055 _MG_3054 _MG_3053 _MG_3052 _MG_3051 _MG_3050 _MG_3047 IMG_2875 _MG_3083 _MG_3078 _MG_3077 _MG_3076 _MG_3073 _MG_3072_MG_3108IMG_0079_MG_3091_MG_3090_MG_3084_MG_3083_MG_3086_MG_3085_MG_3102_MG_3109IMG_9879IMG_9894IMG_9895_MG_3110_MG_3109_MG_3116_MG_3111_MG_3112_MG_3115IMG_9894IMG_9879IMG_9895By Deeq Hurevov: Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top