Wafti ka socda Midowga Yurub oo la kulamay madaxda Wasaarada Waxbarashada Puntland

Waxaa maanta magalada Garoowe ee xarunta Dowlada Puntland soo gaaray wafti ballaaran oo ka socada Midowga Yurub, kuwaasi oo u guur galayay xaaladaha Waxbarasho ee Puntland.

Wafdiga ayaa la kulmay madaxda Wasaarada Waxbarashada, waxaana laga wada hadlayay xeerarka u degsan Waxbarashada Puntland iyo dhinacyada ay uga baahan yihiin in laga caawiyo.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Mudane Cabdifutaax Faarax Siciid (Juxa)  ayaa warbixin dheer oo ka hadlaysay qaabka ay Wasaarada Waxbarasho  u shaqayso siiyay madaxda ka socotay Midowga Yurub, wuxuna Wasiirku u faah faahiyay qaabka casriga ah ee ay Wasaaradu u shaqayso iyo nidaamka waxbarasho ee ka jira deegaanada Puntland.

Marka uu soo dhamaaday kullankaasi ayaa waftiga Midowga Yurub iyo madaxda wasaarada Waxbarashada waxay soo kormeereen dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay wasaaradu, sidoo kale waxay taggeen qaar ka mid ah Iskuulada iyo Jaamacaha ku yaala magalada Garoowe.

Iskuulka sare ee Ganbool,allxigma iyo Jaamacada PSU ayay booqasho gaaban ku tageen waxayna la kullmeen qaar ka mid ah ardayda wax ka barata iskuulada iyo Jaamacada PSU,waxayna wax ka waydiiyeen qaabka ay wax u bartaan iyo inay la kulmaan inta ay ku gudo jiraan waxbarashada caqabado.

Waxaana wafdigaan ka socday Midowga Yurub hogaaminayasay Eis bel oo EU u qaabilsan arimaha soomaaliya ee dhanka waxbarashada,waxayna sheegtay inay ku farax san tahay imaatinta Puntland iyo kormeerka waxbarashada Puntland.

Ugu danbayntii Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamad Cabdi-wahaab ayaa saxaafada uga war bixiyay waxa uu ku saabsanaa kullan iyo waxyaabihii laga wada hadlay, wuxuna sheegay wafdigaani ka socda EU inay kala hadlaan arimo badan oo ku saabsan horumarinta waxbarashada Puntland iyo sidii waxbarasho tayaysan oo loogu helilahaa, ardayda wax ka barata Puntland.

Wuxuna sido kale Agaasimaha guud ee Wasarada Waxbarashada Puntland ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudooyinkii la soo dhaafay isagoona carabka ku dhuftay inay meel mariyeen siyaasada waxbarashada Puntland ee 5-sano soo socota iyo kor u qaadista aqoonta iyo garaadka ardayda.

Isku soo wadda duuboo wafuudani ka socday EU ayaa waxay markii danbe kullan kula qaateen aqalka madaxtooyada madaxwaynaha Dowlada Puntland mudane Cabdiraxmaan Faroole, waxayna ka wada hadlleen arimo badan oo ku saabsan horumarka Puntland iyo kaalintooda kaga aadan.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top