Wafdi uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada Puntland oo koormeer ku tagay tuulada Sunujiif oo ka tirsan gobolka Nugaal

Wafdi balaaran oo u hogaaminayo Wasiirka Waxbarashada Puntland mudane Abdi Farax Siciid ayaa booqday manta tulada Sunujiif oo ka tirsan Gobolka Nugaal,Booqashadan ayaa wasiirka ku weheliyeen agaasimaha guud ee wasaaradda  waxbarashada mudane Mohamed Abduwahab Iyo agaasimaha mashaaricda iyo tagudoobabarada Mohamed Ali Farah.

                    

Ujeedada wafdigan ayaa ahayd mid ay ugu kuurgalayeen xalada guud ee tuulada ku sugantahay khaasatan heerka ay mari waxbarashada tuuladu waxayna warbixino ka dhagaysteen ugu horayn odayaasha iyo waxgaradka tuulada,sidoo kale waxay wafdiga soo indha-indheeyeen qaar kamida goobaha waxbarasho ee  ku yaala tuulada.

Wafdiga wasiirka ayaa intii ay ku sugnaayeen tuulada Sunujiif  waxay kulamo iyo shirar kala duwan la yeesheen maamulka tuulada iyo shacabka ku nool tuulada, waxaana kulamadaas ay ku lafa gureen kor u qaadida adeegyada bulshada tuulada iyo kor sidii loogu qadi lahaa tayada waxbarasho ee tuulada.

Ugu danbaytii maamulka tuulada  ayaa aad ugu hanbalyeeyay shacabka iyo waxgaradka tuulada degmada sida sharafta leh ee ay uqaabileen madaxda wasaarada waxbarashada.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top