Wafdigii Macalin Siciid Saalax Oo La Kulamay Macalimiin Ku Sugan Wasaarada Waxbarashada Puntland Kuwaasoo Ufadhiya Dajinta Manhajka Waxbarashada Dadban

 

Prof Siciid Saalax ayaa manta kulan la qaatay macalimiinta dajinaya manhajka waxbarashada dadban ee wasarada wabarashada Puntland,macalimiintan oo hawshan muda soo waday walina ay socoto ayaa manta waxay shir muhiima la galeen aqoonyahan ahna macalin soomaaliyeed Prof Siiid Saalax.

 

Macalin Siciid Saalax ayaa isaga ka hadlay muhiimada wabarashada iyo macalinimada isagoo aad uga mahad celiyay macalimiinta dalka ku sugan dhamaantood oo iyaga wadanka aanan ka tagin hawshana waday,waxa uu ku booriyay macalin Siciid in ay marna ka caajisin aysana is oran waa shaqo adi uun aad ku shaqaysanayside ay tahay mid aad dadka iyo dalka uhayso,waxuu kalo macalinka ka hadlay barbaarinta wanaagsan ee ubadka waxa uuna ku booriyay dhamaantood iyo wasaarada waxarashada inay xooga saarto barbaarinta ooa hadiiba la samaynkaro la sameeyo waaax dhan oo barbaarinta ah .

Eng Abdirahman Maxamed oo isna qayb ka ahaa wafdiga macalin Siciid ayaa isna lahadlay macalimiinta sidoo kalana uga mahdceliyay shaqada ay hayaan,waxa uuna kula dardaarmay macalimiinta Eng ka inay xooga saaraan luuqada af Soomaaliga oo ay ka cabsi qabaan inay lunto maadaama waqti adag lagu jiro wadankana uu burbur ku yimi

 

 

 

Gabagabadii ayaa waxaa goobta ka hadlay wasiirka waxabrashada Mudane Juxa oo aad usoo dhaweeyay wafdigan manta soo booqday wasaarada waxa uuna uga mahadceliyay imaatinka ay uyimaadeen iyo waqtigooda qaaliga ay u hureen ayagoo kasoo kicitimay masaafa dheer.

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top