Wafdi Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawlada Puntland iyo Masuuliyiinta Jaamacadda oo tababar kusoo qaatay Nayroobi ayaa dib ugusoo laabtay Garowe.

8/April/2015, Wafti ka socday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland iyo jaamacaddaha ka howlgalla Puntland ayaa magaalada Nairobi kusoo qaatay tababar ku saabsanaa Tayaynta Tacliinta Sare, waxayna dib ugu soo laabteen magaalada Garowe.

Tababarka ay soo qaateen  oo socday muddo shan cisho ah ayaa si gaar ah waxaa uga qeyb galay 17 xubnood oo isugu jiray macalimiin iyo maamulayaal jaamacaddeed, Waxaana hogaaminayay agaasimaha tacliinta sare Puntland Cabdullaahi Cali Jaamac.

Ujeedadda tababarka ayaa la xiriiray dhammaystirka shaqooyin la isu diray iyo in la isku tababaro Aqoonta Manaahijta ku saleysan, waxaan kasoo baxay qodobadaan.

  •  In tababarayaasha la baray, lana tijaabiyey inay diyaarin karaan Guddiga Tacliinta Sare (CBC), manhaj tayo leh
  • Tayadhowrka tacliinta sare (HE Quality Assurance).
  • In ka qayb-qaatayaashii tababarkani ay jaamacadaha ay ka socdeen tababarkan siiyaan.
  • In wasaaradda iyo Jaamacaduhu qaban-qaabiyaan tababar jaamacadaha lagu tababarayo  Manhaj Tayo leh Wasaaradduna hogaanka arrinta yeelato.
  • Tababarayaasha oo lagula balamay inay xiriirkooda joogteeyaan, khibradoodana ay wadaagi doonaan.
  • Iyagoo codsaday in wixii ka qeyb gal ah oo ay  uga baahdaan jaamacadaha tababarkaan bixiyay ay  diyaar ula noqdaan.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliiinta sare Puntland Cali Xaaji Warsame iyo Wasiir ku- xigeenka Wasaaarada Waxbarsahada iyo Tacliinta sare iyo Agaasimaha guud ayaa wafdigaan imaatinkooda kadib wuxuu kulan kula qaatay xafiiskiisa, isagoo ka xog warraystay tababarka loosoo siiyay iyo waxyaabihii ay kasoo faa’ideen.

Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa xooga saaraysa sanadada soo socda sidii loo hormrin lahaa Tacliinta Sare, farsamada Gacanta, iyo kor u qaadida Waxbarashada Gabdhaha.

Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa iyadoo ka tacsiyaynaysa weerarkii ka dhacay  jaamacadda Gaarisa Cadaynaysa inuu  saamayn weynna ku yeeshay guud ahaan geeska Afrika, waxayna si gaar ah ugu tacsiyeeyeen Jaamacada MoI University ee Dalka kenya oo martigelinaysay tababarkii Macalimiinta iyo Maamulayaasha Jaamacadaha Puntland.

Daawo Sawiradda.

 

???????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????


 

Scroll to Top