Wafdi Kaoscda QM & EU Oo Maanta Soo Booqday Xarunta Wasaarada Waxbarashada

Wafdi isugu jira QM & EU ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe Ee Caasumada Puntland xubnahan sarsare ayaa hogaaminayay Mark Bowden oo QM uu qaabilsan arimaha hormarinta iyo bini`aadanimada

Wafdigan oo socdaala kumarayay qayba kamida Wasaaradaha Dawlada ayaa waxay soo booqdeen wasaarada waxbarashada Puntland ugu horeyna waxaa madasha kusoo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Mr Juxa oo warbixin kooban kasiiyay guud ahaan geedi socodka waxbarasho ee haatan ay marayso wasaarada waxa uuna goobta kasoo jeediyay guud ahaan waxyaabihii uqabsoomay iyo waxyaabahii ka horyimi  mudadii labada sano iyo barka ahayd ee ay jirtay xukuumadan cusub

Wafdiga ayaa intay booqashada kujireen waxay booqdeen xarunrta madbacada ee ku taala wasaarada waxayna warbixin kooban ka dhagaysteen Farsamayaqaanka Guud ee  madbacada Mr John  kana warbixiyay intii ay jirtay madbacadaan waxyaabihii ay qabteen

 

Boqashadaasi kadib ayaa waxaa shir saxaafadeed qabtay Wasiirka waxbarashada Mr Juxa ayaa sheegay in wafdigaasi ay balan qaadeen in midowga yurub ay ka go’antahay  maalgalinta waxbarashada soomaaliya isagoona sheegay in ay aad ugu farxeen wixii aan u soo bandhignay wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in todobaadkii tagay ay u yimaadeen niman uu sheegay in ay samaynayeen baaritaan sida loo maamulo lacagaha faraha badan ee lagu bixiyo waxbarashad asoomaaliya isagoona sheegay in puntland ay ammaan u soo  jeediyeen ayna sheegeen inay tahay meel mudan in lagu daydo.

 

Iskusoo wada duuboo waxa isa soo tarata wafuuda sar sare ee ka imanaay QM & EU kuwasoo soo gaaraya Deegaanada Puntland .

 

 

 

Amaal Abdilahi

Ministry Of Education Puntland

Media Unit

 

Scroll to Top