Wafdi ka socda dawlada Turkiga oo maanta soo booqday xarunta Wasaarada waxbarashada Puntland

Wafdi kasocda dalka Turkiga oo dhawr casho booqasho iyo indha indhayn ujoogay deganda Puntland ayaa maanta booqasho gaaban ku yimi wasaarada waxbarashada Puntland,ayadoo ay kuweheliyaan wasiira ka tirsan xukuumada oo ugu horeeyo wasiirka waxbarashada Abdi Farah Juxa .

Wafdigan ayaa booqday dhawr xarumood oo ka tirsan wasaarada waxbarashada oo ay kamid yihiin madbacada way ee wasaarada taas oo soo saarta buugaag aad ufara badan iyo waxyaabo kala,waxayna sidoo kale booqdeen xafiiska qorshaynta iyo xoguruurinta ee wasaarada waxbarashada.

Booqashadani waxay qayb ka tahay dadaal dheeraad ah oo xilliyadan dambe beesha Caalamka iyo Hay’adaha QM ay ku bixinayaan ka qaybqaadashada horumarinta deegaanada Puntland.

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top