Wacyi galinta Waxbarashada Gabdhaha oo maanta Garoowe lagu qabtey.

Garoowe: (pp)- Kulan ku saabsan wacyi galinta waxbarashada Gabdhaha ayaa maanta lagu qabtey xarunta Rugsan Square ee magaalada Garowe, iyadoona ay kasoo qeyb galeen qeybo kala duwan oo ka kala socdey, Hooyooyinka,IDPs-ka, Gabdhaha dhigta jaamacadaha, dugsiyada sarre, dhexe,hoose, Hay,adda Mercycorps,Gudoonka waxbarashada Gobolka iyo Guddiga gabdhaha waxbarashada ee Gobolka Nugaal.

 

3

Kulanka oo socon doona hal maalin ayaa kasoo qeyb galayaasha lagu casumey loogu soo bandhigay wacyi galino ku saabsan ku dhiiri galinta hooyooyinka iyo gabdhahooda waxbarashada.

Maxamed Cali ku xigeenka Gudoonka waxbarashada

Maxamed Cali ku xigeenka Gudoonka waxbarashada

Gudoomiye ku xigeenka Waxbarashada Gobolka Nugaal Maxamed Cali oo kulanka ka hadlay ayaa ku bogaadiyey gabdhaha inay wax bartaan islamarkaana waxa uu sharaxay faa,iidada gabadhu qoyska u leedahay hadii ay waxbarato, midaas oo uu ku micneeyey in uu la mid yahay ninkii gabadh waxbara nin qaran wax barey.

Faadumo Shukri

Faadumo Shukri

Faadumo Cabdi Xirsi (Faadumo Shukri) oo ka socotey xafiiska Wasaarada Waxbarashada u qaabilsan waxbarashada haweenka oo ka mid ahayd xubnihii kulanka ka hadlay ayaa baaq ku wajahan waxbarashada gabdhaha usoo jeedisay hooyooyinka oo ay ka dalbatey inay gabdhahooda usoo diraan goobaha wax lagu barto.

Faadumo waxay intaas ku dartey in ay jirto xilligan fursad haweenka u ogolaanaysa in waxbarashada laga caawiyo ,midaas oo codsi ay ugu jeedisay gabdhaha in ay u istaagaan sidii ay uga faa,iideysan lahaayeen jaaniskaas.

4

Ururka Waxbarashada Gabdhaha ee Gobolka Nugaal ayaa kulanka soo qaban qaabiyey waxana maal galinaysay Hay,adda Mercycorp oo kaashaneysa qeybta waxbarashada haweenka ee wasaarada waxbarashada Puntland.

C/risaaq Xuseen waxa uu ka mid yahay saraakiisha Hay,adda Mercycorp ee kulanka ka hadashey wuxuuna faahfaahin ka bixiyey aas aaskii Guddiga waxbarashada gabdhaha ee gobolka Nugaal oo uu sheegey in ay ku timid ka dib markii hay,adu aragtey doorka waxbarashada ee haweenka oo ku tilmaamey in ay tahay mid ka hooseysay tirada wiilasha ee wax ka barta iskuulada.

Abdirsaaq hay,adda Mersikoop

Abdirsaaq hay,adda Mercycorps

Wuxuuna sheegey C/risaaq in Guddigan Gabdhaha ee waxbarashada G,Nugaal uu ka caawin doono wacyi galino ku saabsan sidii ay u kor gabdhuhu ugu qaadi lahaayeen Aadista goobaha cilmiga.

“Hay,adda Mercycorps waxay horey u bilowday Barnaamij loogu magac darey Kalkaal oo ka shaqeeya ku dhiiri galinta dhalinyarada waxbarashada, kaasi oo ka caawiya waalidka in loogu gudbiyo fariimo ku saabsan sidii ay ubadkooda wax u bari lahaayeen, iskuulada ka caawiya sidii ay u sameysan lahaayeen nidaamyo ku dayasho leh oo kor u qaadaya tayada waxbarashada ” ayuu yiri Mr C/risaaq Xuseen.

Gabo gabadii sarkaalkan ka tirsan hay,adda Mercycorp waxa uu sheegey in kulanka wacyi galinta waxbarashada gabdhaha uusan ahayn mid lagu qabanayo Gobolka Nugaal oo kaliya , balse hay,adu rajeynayso inay ka qabato dhamaan Gobolada Puntland.

Xigasho Puntlandpost.com

Scroll to Top