Waaxda Hormarinta Waxbarashada Gabdhaha oo Tabarbar u furtay Kormeerayasha iyo xiriiriyeysha Gabdhaha Gobolada Waxbarsahada.

21/11/2016- Waxaa maanta oo isniin  ah hoolka shirarka Hotel New Rays ka furmay tababar socon doono mudo saddex cisho ah oo salka ku hayo sidii kor loogu qaadi lahaa heerka waxbarashadda haweenka Puntland.

Furitaanka tababarkan waxaa kasoo qayb galay , Agaasimaha Waaxeedka Cusub Maxamud C/salaan Cali ahna Agaasimaha ku meelgaarka ah ee Waaxda Hormarinta Waxabarashada ,  iyo  masuuliyiin ka socday Relief International   oo kaalin weyn ku leh qabsoomida tababarka.

Axmed Jaamac Geele oo ah madaxa Relief International Puntland kana shaqaysa arrimaha waxbarashadda ayaa sheegay tababarkan inuu yahay mid ahmiyad gaar ah u leh Wasaradda, maadama wakiiladda wasaradda waxbarashadda ee gobaladda ay kasoo qayb galeen isla markasna mudada uu socdo tababarkan oo ku saabasan kormeerka iyo qiimaynta waxabarashada Gabdhaha.

Agaasimaha Waaxeedka Cusub Maxamud C/salaan Cali ahna  Agaasimaha ku meelgaarka ah ee Waaxda Hormarinta Waxabarashada oo furay tababarka ayaa ka hadlay dadaalka ay wasaaradiisu ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashadda haweenka, wuxuna sheegay inay muhiim tahay dadka kasoo qayb galay tababarka inay si wanaagsan u fahmaan daruusta ay qaadanayaan isla markasna aqoonta ay dib ugula laabtaan meelihii ay ka yimaadeen.

Faadumo shugri ah  kobcinta Waxbarashada Haweenka ayaa sheegatay inay ka go’an tahay Haweenku inay ka muuqdaan Waxbaarsahda  ee dalka isla markasna ay xanuun ku hayso inay goobahaasi ku yar yihiin, wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay in la ogaado asbaabta ay waxbarashadda haweenku uga haraan.

Wasaarada Waxbarashada ayaa hadaf keedu yahay Sanada soosocda in kor loo qaado Waxana laga qabato Tacliinta sare haweenka Waxbarshadooda iyo sidii ay uga mid noqon lahayeen Maclimiinta iyo sidii ay oga dhex mooqan la hayeen siyaasada Waxbarashada.

Faadumo Shugri oo qaybta haweenka ee Wasaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ka socotay ayaa sheegay inay xooga saarayaan sidii haweenka ugu badnaan lahaayeen tacliinta sare iyo goobaha muhiimka ah ee dalka.

Mudada uu socdo tababarka ayaa lagu wadaa inay kasoo baxaan go’aamo la isku raacsan kormeerayasha Gobolada iyo Gudoomiye ku xigenada Gobolada.iyo Xiriireyaasha Gabdhaha.

Hoos ka Daawo Sawiradda.

dsc00789 dsc00771 dsc00772 dsc00773 dsc00774 dsc00775 dsc00776 dsc00777 dsc00778 dsc00779 dsc00780 dsc00781 dsc00782 dsc00783 dsc00784 dsc00785 dsc00786 dsc00787 dsc00788

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Please follow and like us face book Wasaaradda Waxbarashada puntland.
Scroll to Top